Sawirro: Nairobi: Xaflad lagu taageeray dowladda cusub ee Soomaaliya

Xafladda oo ahayd tii ugu ballaarnayd oo nuuceeda ah, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya, Aadan Barre Ducaale, xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Kenya, xildhibaanno iyo senetarro ka tirsan baarlamanka Soomaaliya iyo safiirka Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Kenya ayaa ka qeyb-galay xafladda.

Danjire Jamaal ayaa kaga mahad celiyay jaaliyadda, taageerada ballaaran oo ay u muujiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre, isagoo ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Dowladda.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa xafladda ka sheegay in dowladdiisa Kenya ay si wanaagsan ula shaqeyn doonto hoggaanka cusub ee Soomaaliya. Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha cusub ayuu ku tilmaamay wadaniyiin.

Dhammaan dadkii kale ee ka hadlay xafladda, oo uu ka mid ahaa senator Muusi Suudi Yalaxow, ayaa muujiyay taageerada ay la garab taagan yihiin hoggaanka cusub ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre oo khadka teleefanka uga qeyb qaatay xafladda ayaa u mahad celiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay tahay mid shacab kuna shaqeyn doonto afkaarta shacabka. Wuxuu ballan qaaday in aysan jiri doonin is qabqabsi madaxda dalka dhexdooda ah.

Fannaaniinta ugu caansan Kenya ayaa xafladda ka qaaday heeso dhiirri-gelin ah oo loogu tala-galay Farmaajo iyo Kheyrre.

W/D: Ibraahim Geedow Cawaale