Xog: Imaaraadka oo shir lagu cadaadinayo DF Somalia ku qabanaya Dubai

Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa inay dhowaan magaalada Dubai ku shiriso qaar ka mid ah ganacsatada ugu waa weyn ee Soomaaliya ee hantida iyo guryaha ku leh dalkaas, sida ay ogaatao Caasimada Online.

Shirkan ayaa waxaa looga gol leeyahay in ganacsatada lagu cadaadiyo inay cadaadis saaraan dowladda Soomaaliya, si ay ugu biirto xulufada dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka ee xiisadda ay kala dhaxeyso dalka Qatar.

Ganacsatada shirka loo qabanayo waxaa ku jira 21 ganacsade, oo sidoo kale xubno ka ah baarlamanka Soomaalida, iyo qeybaha kale ee dowladda Soomaaliya.

“Waxaa ganacsatada loo sheegi doonaa inay ilaashadaan dantooda, oo macnaheedu yahay in loogu hanjabayo, haddii aysan dowladda Soomaaliya cadaadin in sharciyada ay ku tagaan Imaaraadka lagala noqon doono” Waxaa sidaas yiri ganacsade codsaday inaan la magacaabin.

Imaaraadka ayaa rumeysan in maadaama dowladda dhaqaale badan ka hesho ganacsatada ay suurta-gal noqon karto inay cadaadiskooda u hoggaansato.

Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo cadaadiskii ay saareeyn Qatar uu guuleysan waayey, ayaa u arka taageerada Soomaaliya mid dhaawac xooggan gaarsiin karta Qatar, sababta oo ah hawada Soomaaliya oo ah tan ugu muhiimsan ay Qatar ay adeegsato, kadib markii dalalkaas ay hawadooda ka xirteen.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Dubai 
Caasimada@live.com