Imisa ayey gaarayaan shaqaalaha sida gaarka ah ugu adeega madaxweyne Xasan Sh. oo kaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tiro koob lagu sameeyay shaqaalaha sida gaarka ah ugu adeego Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu sheegay in tiro ahaan ay yihiin shaqaalaha ugu badan oo u shaqeyn kara Mas’uul ka tirsan Madaxtooyada Somalia.

Tiro koobka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in kaliya Xassan Sheekh ay si gaar ah ugu adeegan shaqaale dhan 310 kuwaasi oo isugu jira shaqaalaha xafiiska, kuwa goobaha uu ku nasto, istaafkiisa gaarka ah gaar ahaan kuwa dhar cadka oo kor u dhaafaya 80 iyo shaqaalaha ka howlgala hooygiisa oo iyaguna aad u farabadan.

Shaqaalahaasi ayaa shaqooyinka ay u hayaan Madaxweyne Xassan u gala shifti, waxa ayna leeyihiin lacago ka madax-banaan mushaarkooda si aysan u carqaladeyn amaanka Madaxweynaha.

Madaxweyne Xassan ayaa ah shaqsiga ugu shaqaalaha badan marka la eego DF Somalia, waxaana la sheegayaa in adeegiisa gaarka ah ay u qabtaan ajaanib sababo la xiriira cabsi laga qabo in loo adeegsado sun iwm.

Mushaaraadka Shaqaalahaasi ayaa ku xisaabsan DF Somalia, waxaana jira shaqaale kale oo ka howl-badan kuwaasi balse nasiib darro aan lasiin xuquuqdii ay ku lahaayen Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com