Ciidamada DFS oo dilay GABDHO walaalo ahaa!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Dowlada Somalia gaar ahaan kuwa Militeriga ay laba gabdhood ku dileen duleedka Magaalada Muqdisho.

Labada dhabdhood ayaa la sheegayaa inay ahaayen walaalo, waxa uuna shilkaasi ka dhacay Deegaanka Tareedisho ama KM 13 ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Gabdhahaasi ayaa la sheegayaa in ciidamadu ay mariyeen gaadiidka dagaal oo ay wateen, waxaana lasoo warinayaa inay geeriyooden gabdhahaasi.

Goob Jooge ayaa xaqiijiyay in gabdhaha gaarigu jiiray lagu kala magacaabo Xamdi Salaad Cabdulle oo 25 jir ahayd iyo Iqro Salaad Cabdulle 7 sano jir ahayd.

Gabdhaha oo markii hore uu soo gaaray dhaawac halis ah ayaa la sheegay in gaariga dar daray uusan dheg jalaq u siinin uuna xowligiisii isaga sii socday iyadoona ay gabdhuhu meeshaas ku geeriyoodeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com