ETHIOPIA oo hanjabaad culus u jeedisay DFS.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ahaa oo ka dhacay Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Baarlamaanka Jubba, Odayaal, Saraakiil Ciidan oo ka kala tirsan Somalia iyo Ethiopia ayaa waxaa laga soo saaray digniino culus.

Axmed Max’ed Axmed oo kamid ah Xildhibaanada Jubbaland kana qeybgalay shirkaasi ayaa sheegay in shirka kadib ay Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ku baaqen in lala shaqeeyo Maamulka Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Saraakiisha Ethiopia ay ka digeen in Ciidamada Militeriga DF Somalia ee Gobolada Jubooyinka ka gaabiyaan wadashaqeynta Maamulka Jubbaland, hadii ay taasi dhacdana ay qaadi doonaan talaabooyin lidi ku ah Ciidamada Dowlada Somalia.

Sidoo kale Saraakiisha Ethiopia ayaa wacad ku maray in ciddii ka hortimaada amarkaasi ay tallaabo cad ka qaadi doonaan sida Xildhibaankaas Jubbaland ka tirsan uu sheegay, waxa uuna intaa ku daray in Ciidamada Somalia looga digay inay is hortaagan awaamirta kasoo baxda Maamulka Axmed Madoobe.

Ethiopia ayaa ku goodisay inay Xabsi ku uruurin doonto cid waliba oo ka hor imaado Maamulka Jubbaland waxa ayna ku celcelisay in Ciidamada Militeriga Somalia ay talo iyo tusaalaba ka qaatan kuwa Jubbaland, hadii talaabadaasi ay qaadacaana ay mid lidi ku ah la kulmi doonaan.

Axmed Max’ed ayaa sidoo kale, sheegay in aan weli wax xal ah laga gaarin wadahadalkii maamulka jubba ay lalahaayeen Guddoomiyihii Gobolka Gedo, taas oo uu ku micneeyay in Kaliil uu yahay shaqsi aan ku qanacsaneen isbedel maamulka Jubba ay sameeyeen.

Arrintaani ayaa imaaneysa iyadoo mudooyinkaani danbe magaalada Garbahaarey uu shir uga socday Gudoomiyihii Gedo Max’ed Cabdi Kaliil iyo Maamulka Garbahaarey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com