XOG: Shirkii gudiga farsamada doorashada 2016 oo lagu kala tagay (Beel sed bursi sammeysay)!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii ugu horreeyay oo aay isugu iman lahaayeen guddiga farsamada wadatashiga doorashooyinka uu dhawaantan magacaabay RW Cumar Cabdirashid ayaa maanta lagu kala tagay.

Guddigan ayaanan ahayn mid ku dheeli tiran  habka awood qeybsiga, iyadoo dhammaan howl wadeenada iyo maamulka guddigan loo dhiibay xubno ka socda Puntland iyo Jubba oo isku hayb ah.
Waxaa shirka isaga baxay wakiilka South West, waxaana  diiday in aay ka soo qeyb galaan Galmudug.
Waxaa cad in gudiyadii farsamada iyo howl wadeenada hab raaca doorashada ee 2016 gacanta loo geliyay maamulada Jubba iyo Puntland.
Xubnaha uu soo magacaabay RW Cumar Cabdirashiid ayaa kala ah

1. Cabdiqani Abdi Jamac (Jubba)
2. Saynab Xasan (Siraad) (Xafiiska Madaxweynaha)
3. Cabdulqadir Yusuf Shiil (Xafiiska Guddoomiyah Baarlabaanka)
4. Axmed Cabdirahman Xasan (Jubba)
5. Maxamed Xaaji Nuur (Madeer) (Koofur Galbeed)
6. Cabdishakur Cali Mire (Galmudug)
7. Maxamed Maxamuud Samatar (Puntlad)
8. Maxamed Cabdirazaq (Technical Advisor – UN)
9. Nuradiin Diiriye (Technical Advisor – UN
10. Joon Nuur Cadde (Technical Advisor – Banaadir)

Tobanka qofood oo la soo magacaabay ayaa lix (6) kamid ahi aay isku beel ka soo wada jeedaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com