Xog ka cusub dhismaha golaha wasiirada Jubba

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha is doortay ee maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa wado dadaaladii ugu danbeeyay ee uu kusoo magacaabi lahaa Golaha Wasiirada Maamulkiisa.

Hogaamiyaha ayaa la sheegayaa in heer gabogabo uu marinaayo la tashiyadii uu kula jiray qaar kamid ah Cuqaasha iyo Siyaasiyiinta Maamulka oo uu kala tashanaayo qaabka uu u qeybiyay Xubnaha Wasiirada.

Hogaamiyaha ayaa la sheegayaa inuu soo afmeeray shaxda Wasiirada, balse waxaa la soo warinayaa inuu jiro wadatashiyo yar oo u harsan bacdamaa Maamulkaasi ay ku hoos noolyihiin Beelo farabadan oo sadkooda doonaayo inay helaan.

Axmed Madoobe ayaa asbuucaani oo idil waday la tashiyo kala duwan oo uu la samaynayo qaybaha kala duwan ee bulshada si Xukuumadiisu ay u noqoto mid aan la kulmin caqabad dhanka Beelaha ah.

Qorshaha Axmed Madoobe ee ku aadan Xukuumada cusub ayaa la sheegayaa inuu yahay in inta badan Xubnaha ay noqdaan qurba-joog, iyadoona ay jiri doonto Wasiiro hore oo kasoo dhex muuqan doono Xukuumada cusub.

Magaalada Kismaayo gaar ahaan aqalka Maamulka looga arrimiyo ayaa maalmihii u danbeeyay laga dareemayay mashquul aad u fara badan oo u muuqdo ka tashiga dhismaha Xukuumada cusub ee maamulka Jubbaland.

Geesta kale, waxaa jiro warar sheegaya in muran yar uu ka taagan yahay beelaha lasiin lahaa Wasaaradaha Amniga, Gudaha, Maaliyada.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com