DF oo ku fashilantay hirgalinta go’aanki cuslaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha amaanka DF Somalia ayaa dhawaan ku dhawaaqay in wadada Makka Al-mukarama ee hor marta Madaxtooyada Somalia laga mamnuucay inay isticmaalan Mootooyinka Seddex lugaaleyda ee loo yaqaan Bajaajka.

Dowlada Federaalka Somalia, gaar ahaan Taliska Booliska ayaa ku guul dareystay dhaqan galinta go’aanka waxa ayna iminka ku dhawaaqen in wadadaasi ay u furan tahay isticmaalka Mootooyinka.

Taliyihii hore ee Ciidamada Wadooyinka General Cali Xersi Barre Cali Gaab, ahna Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mooto bajaajka ay hormari karto wadada Madaxtooyada xiligaani wixii ka danbeeyana aysan celin karin Ciidamada amaanka Muqdisho.

Cali Gaab waxa uu sheegay in Mootooleyda ay kamid yihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed, sidaa awgeedna aysan jirin cid ka mamnuuci karta isaga oo aan lala soo socodsiin.

Ciidamada qaar ayuu ku eedeeyay inay qaatan go’aan aan Dowladu la qabin, balse xiligaani iyo wixii ka danbeeya ay talaabo ka qaadid doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Cali Gaab ayaa Milkiilayaasha iyo wadayaasha Bajaajka ugu baaqay inay qaatan sharciga lagu kaxeeyo Mootada, si ay uga nabadgalaan Ciidamo uu sheegay inay baadan Mootooyinka iyo gaadiidka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com