USA oo uga shakisan Toyota xiriir ah in kooxda..

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Dowlada Mareykanka ayaa su’aal ka keenay gaadiidka Toyota oo inta badan ay isticmaalaan Maleeshiyaadka Daacish.

Warar ay baahiyeen wakaaladaha caalamka ayaa sheegaya in Saraakiisha Sirdoonka dalkaasi ay baaritaano kula dhaqaaqen Shirkada Toyota ee soo saarta dhamaan gaadiidka ay inta badan isticmaasho Daacish.

Dowlada Mareykanka ayaa shaki xoogan ka muujisay inuu xiriir hoosaad ka dhexeeyo Shirkada Toyota iyo Daacish, islamarkaana shirkadaasi ay Daacish u sameyso gaadiid gaar ah oo ay kaga talaabi karaan masaafo gof.

Sirdoonka ayaa la sheegayaa inay qoraalo cabasho ah u gudbiyeen shirkada Toyota, waxaana laga codsaday in ay soo caddeeyaan sababta Daacish uga heleen gawaaridooda ayna u adeegsadaan duulaanka.

Waxa uu mareykanku ka qeylinayo ayaa ah in kooxdaasi hesho gawaarida ugu dambeeya ee Toyota.