Xog: Gaas oo dacwad ka gudbiyay Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo baryahaani danbe ku sugan Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxa uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaadanaayay qaar kamid ah Safiirada reer galbeedka ka jooga Kenya.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa la soo warinayaa in inta badan Safiiradaasi uu kala hadlaayay arrimaha gaarka ah ee Maamulkiisa khuseeya, isagoona dhanka kale dacwado lidi ku ah DF Somalia, gaar ahaan Madaxweyne Xassan Sheekh u gudbiyay wakiiladaasi.

Gaas oo kulan socday 2 saac la qaatay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Somalia, Michele Cervone d’Urso, ayaa waxa uu u sheegay in deeqaha ay gaarsiiyan DF Somalia aysan ka helin qeybta kaga aadan Puntland waxa uuna sheegay in Dowladu ay badi isku koobto dhaqaalaha loogu deeqo Somalia oo idil.

Gaas ayaa sidoo kale, Michele Cervone d’Urso u sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh Dowladiisu noqotay mid aan hanan Amaanka, Siyaasada iyo in Somalia ay ka hirgaliso Federaaliisimka taasi oo uu sheegay inay ugu wacan tahay Somalia oo u gacan gashay shaqsiyaad farakutiris ah.

Gaas ayaa Michele Cervone d’Urso ku wargaliyay in Ciidamada loo tababaro Somalia kaliya ay yihiin kuwo ay si gaar ah u xulato DF Somalia islamarkaana u badan beelo gaar ah, taasi oo meesha ka saartay in Beelaha qaar aysan Ciidamo ku laheyn Dowlada dhexdeeda.

Intaa kadib C/weli Gaas ayaa Danjire Michele Cervone d’Urso kala hadlay arrimo ay kamid yihiin mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub uu ka wado Puntland, xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac iyo xaaladda guud ee Somalia.

Gaas ayaa ka codsaday danjiraha Midowga Yurub inay kordhiyaan mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayaan deegaanada Puntland.

Danjire Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay inuu Midowga Yurub qorsheynayo inuu mashaariic hor leh oo horumarineed ka fuliyo Puntland iyo guud ahaanba Somalia, taasi oo ay ka faa’iideysan doonaan Umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale la kulmay safiirka Sweden u qaabilsan Somalia Danjire Mikael Lindvall.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka codsaday Sweden inay kordhiso taageerada ay Puntland ka siiso waaxaha waxbarashada iyo caafimaadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com