Xog: Illaa 100 Xildhibaan oo saxiixay MOOSHIN cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonyahay, In ka badan 100 Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshin ay ku dalbanayaan in la kordhiyo Mushaaraadka Xildhibaanada.

Mooshinka Xildhibaanada ayaa imanaya xili ay Wasaaradda Maaliyadda hoos u dhigtay gunnooyinkii Xildhibaanada, islamarkaana ay hakisay lacag dhan 1,100 dollar oo markii hore loogu tala-galay Ilaalada iyo darawalada Xildhibaanka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa go’aamisay in Akoonka Xildhibaanka lagu shubo 3,000 oo dollar oo keliya, oo ah mushaarkiisa. Halka markii hore gunnada dheeriga ah iyo mushaarka loogu shubi jiray akoonka.

Wasaaradda ayaa qabta dooda dhigeysa “in lacagtaas sida dadban loo bixinayo (gunnooyinka Xildhibaanada) ay qatar wayn ku tahay nidaamka isla-xisaabtanka iyo hufnaanta Maaliyadda.”

Sababta markii hore Xildhibaanada loo siin jiray gunnooyin badan oo dheeri ah ayaa aheyd in ay ku dabaraan ilaalada iyo darawalo ka caawiya amaankooda iyo howlahooda shaqo, hase yeeshe waxa taasi ka hortimid wasaaradda Maaliyada oo sheegtay inay iyadu bixiso lacagtaasi.

“Ilaalada iyo darawalada Xildhibaanada waxaa si toos ah mushaaraadkooda u bixisa wasaaradda Maaliyadda, loomana raacin karo gunadda Xidlhibaanka.”

Carrada ka dhalatay gunnada laga jaray Ilaalada iyo darawalada Xildhibaanada ayaa u muuqata inay ka dhalan doonaan mooshino hor leh oo midkaan ay saxiixeen Xildhibaanada uu ibo-fur u yahay.