Warbixin: Isku shaandheynta cusub oo qeyb ka ah in wasaaradda amniga laga wareejiyo beesha Habar-Gidir, loona…

Muqdisho (Caasimada online) – Xog soo gaartay xafiiska Caasimada Online ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegaysa in ay jiraan qorshayaal isbedel oo ku aadan wasiiradda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa lagu wadaa in dhawaan loo magacaabo inuu noqdo wasaarka amniga xukuumadda oo horey uu isaga casilay Cabdikariim Xuseen Guuleed, kadib markii uu ku fashilmay inuu wax ka qabto amni daridda ka jirta caasimadda dalka. Xaamud ayaa iminka xilkaasi u haya si kumeel gaar ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Cabdi Weli uu qoondeynayo inuu xilka wasiirka difaaca u magacaabo ma’suul si weyn ugu lug leh ciidanka kuna dhex jiray, oo aan weli helin magaciisa, balse kasoo jeeda beesha Habar-Gidir.

Ma cadda, haddii beesha Habar-Gidir ay aqbali doonto inay xilka wasaaradda amniga bedelkeed ku qanacdo tan gaashaandhigga.

Qorshaha Cabdi Weli, ayaa waxaa sidoo kale mid ah inuu xilka ka qaado wasiirka arrimaha gudaha ee Goodax, oo ay isku dhaceen Cabdi Weli. Goodax ayaa horey si cad ugu diiday siyaasadda Cabdi Weli ee qabyaaladda ku disan. Lama oga qofka lagu beddeli doono Goodax.

Fashil weyn oo muuqda ayey dhexda ka taagantahay xukuumadda Cabdi Weli, waxaana barlamaanku ay u muuqnayaan kuwo aan ku qanacsaneyn wasaaradaha amniga shaqada ku leh maadaama weeraro ay qaraxyowehliyaan ay maalin walba ka dhacayaan Muqdisho.

Waxaa ugu dambeeyey xildhibaan la dilay iyo qarax shalay ka dhacay albaabka xarunta baarlamanka.

Magacaabista cusub ee Cabdi Weli, ayaa ah qorshe lagu weecinayo dareenka baarlamanka iyo kan sacabka oo ku baraarugay wax-qabad la’aanta ra’iisul wasaaraha dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.co