27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xog: Isku shaandheynta golaha wasiirada Kheyre iyo isbadalka hab qeybsiga beelaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida laga warqabo  waxaa soo baxay xog ku saabsan in golaha Wasiirada lagu sameenayo isku Shaandheyn kadib markii la sheegay in wasiirada qaar ay shaqadooda qabsan waayeen, halka qaarka kale ay u qalmi waayeen xilka loo magacaabay.

Wasiirada qaar ayaa waxaaba ka weynaaday xilka loo magacaabay, iyagoo kala fahmi waayey habka loo maareenayo xafiiska.

Haddaba waxaa soo baxayo warar kale oo sheegayo in isku shaandheyntaas ay saameyn ku yeelan doonto hab qeybsiga beelaha, iyadoo beelaha qaar ay weyn doonaan xilalkii ay hayeen halka qaar ay heli doonaan xilal ay ku aminayeen ka hor inta aan la magacaabin Golaha Wasiirada.

Wasiirrada ay farta ku taagan tahay waxaa kamid ah Yuusuf Garaad Cumar, kaas oo cadaadis dhan walba ah uu kaga imaanayo reerkiisa, oo aan u arkin in uu yahay qof kasoo bixi kara shaqadan, iyo madaxwayne Farmaajo oo aan sidaas ugu hammuun qabin la shaqeynta Yusuf oo ah qof aad u yaqaana xiriirka caalamiga ah.

Sidoo kale wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa ah qof kale oo la filayo in uu waayo xilkiisa, maadaama si shakhsi ah ay iskugu dhaceen ra’iisul wasaaraha kaddib shaqo ka ceyrintii uu kusameeyay Yaxye Ibraahim xoghayihii Joogtada wasaarradda Arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa macquul ah in beesha Dir laga qaado wasaarradda Maaliyadda, maadaama hadafkii C/raxmaan Ducaalle Beylle uu ka lahaa wasaarraddaas uu ka gaaray.

Raxanwayn ayaa laga yaabaa in ay helaan wasaarad aan ahayn tan gaashaandhigga, waxaana macquul ah in Fargeeti lasoo celiyo oo Maaliyaddiisii lasiiyo, halka Dir na dib loogu celiyo wasaaraddoodii arrimaha Dibadda.

Hawiye gaar ahaan Habar Gidir waxaa laga yaabaa in ayagana ay dib u hantaan wasaaraddoodii arrimaha gudaha, Daarood Majeerteen iyagana waxaa suurta gal ah in ay helaan wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Beesha Abgaal oo ku dulman golaha wasiirrada Kheyrre waxaa laga yaabaa in ay sii heystaan wasaaradda warfaafinta, maadaama C/raxmaan Yariisoow oo ah shakhsi hawl kar ah uu wasaaraddaas horumariyay.

Beelaha shanaad ayaa iyagana saammigooda kulahaan doona, waxaana laga yaabaa in ay kusoo baxdo markale Maamo Khadiijo oo ah wasiiradda dhallinyarada iyo Sports-ka Soomaaliya.

Markasta waan idinla wadaagi doonaan xogaha kasoo ifbaxo isku shaandheynta la filayo inuu Kheyre sameeyo anagoo raadin doono xogo badan oo arrintaan ku saabsan.

- Advertisement -

Read more

Local News