Sababta loo suneeyey in la soomo 9-ka maalin ee Dil Xijji iyo waxa ay ka dhigan tahay maalin kasta

Ilaahey Subxaanahu Watacaala wuxuu yiri: (والفجر وليال عشر) isagoo ku dhaartay 10 maalin ee ugu horeyso Bisha Dil Xijji, wuxuuna Rasuulka Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee Yiri: ” Qofkii Sooma maalmahaas wuxuu ilaahey ku karaameyn doonaa 10-kaan Waxyaabood:
1) In Loo siyaadiyo Cimriga
2) In loo siyaadiyo Maalka
3) in loo ilaaliyo Awlaada
4) In loo dhaafo dambiyada
5) in loo laba jibaaro Xasanaadka
6) in loo fududeeyo sakaraatul Moodka.
7) in loo iftiimiyo Qabriga
8) In loo cusleeyo Miisaanka Maalinta Qiyaamo.
9) In laga badbaadiyo Guryaha Naarta.
10) in sare loogu qaado darajooyinka janada

Sidoo kale Ibnu Cabaas ayaa Rasuulka Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee ka wariyey inuu yiri:
1) Maalinta Koowaad ee Bisha Dil Xijji waa maalintii loo dambi dhaafay Nabi Aadam Caleehi Salaam, qofkii maalintaas soomana dambiyadiisa oo dhan waa loo dhaafa.
2) Maalinta Labaad ee Dil Xijji, waa maalintii la aqbalay ducada Sayidinaa Yoonis Caleehi Salaam isla markaasna laga soo bixiyey Caloosha Malaayga, qofkii soomana maalintaas waxay ula mid tahay sida isagoo hal sano caabudayey Ilaahey oo aan il Biriqsi ku caasin.
3) Maalinta Seddexaad ee Dil Xaji, waa Maalintii la aqbalay ducadii Nabigeena Zakariya, qofkii soomana ducadiisa waa la aqbalayaa.
4) Maalinta Afaraad ee Dil Xajji, waa maalintii la dhalay Nabi Ciise Caleehi Salaam, qofkii Soomana ilaahey wuxuu ka dheereenayaa Quusitaan iyo Faqri.
5) Maalinta Shanaad ee Dil Xijji, waa Maalintii la dhalay Nabi Muuse Caleehi Salaam, qofkii Maalintaas soomana ilaahey wuxuu ka badbaadiyaa Cadaabka Qabriga.
6) Maalinta Lixaad ee Dil Xajji waa maalintii uu Alle Nabigiisa u furay albaabada Kheyrka, qofkii soomana wuxuu Alle ku fiiriyaa il naxariis leh.
7) Maalinta Todobaad ee Dil Xajji, waa maalinta la xirayo Albaabada Naarta, lamana furo ilaa ay ka dhamaato tobanka maalin ee Dil Xajji, qofkii soomana Ilaahey wuxuu ka xiraa 30 Albaab oo dhibaato ah, wuxuuna u furaa 30 Albaab oo Fudeed ah.
8) Maalinta Sideedaad ee Dil Xijji waa maalinta looga magac daray (Tarwiya) qofkii soomana wuxuu Alle siinayaa Ajir uusan ogeyn Ilaahey mooyee.
9) Maalinta Sagaalaad ee Dil Xijji, waa Maalinta la istaagayo Banka Carafa, qofkii soomana ilaahey wuxuu u dhaafaa dambiyada sanadkii hore iyo sanadka soo sacdo, waana maalinta ay soo dagtay aayada Qur’aanka ee (اليوم أكملت لكم دينكم)
10) Maalinta Todabanaad waa Dil Xijji, waa maalinta Ciidul Adxaa, qofkii Alle Qurbaan ugu Dhawaadana wuxuu u dhaafaa dambiyadiisa.
F.G: Fadlan Badi aqrinta Qur’aanka kariimka, Salliga Nabiga Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, sidoo kalana badi tasbiixda.

Waxaa soo turjumay Cabaas Cali Xasan Cabaas Xaliye. oo ah qoraa ku takhasusay xagga Arrimaha Carabta iyo Diinta