Sawiro: Ciidamo Turkiga ka socda oo Muqdisho soo gaaray (Akhriso tirada iyo sababta)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kudhawaad 200 oo askari ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen askarta Turkiga ah ee shalay soo gaaray Muqdisho, waxaana la filayaa in ay qayb ka noqdaan askarta fara kutiriska ah ee Turkiga ka jooga Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka 200- ee askari ee shalay soo gaartay Muqdisho waxa ay hordhac u yihiin 2,000- aska iyo saraakiil iskugu jirta oo Turkiga ugu tallagalay amaanka Soomaaliya iyo saldhigga dhawaan laga furi doono Muqdisho.

Diyaarada Turkish Airways ayaa ciidamadan u soo daabushay magaalada Muqdisho, sida ay baahiyeen warbaahinta Turkiga

Warbaahinta Turkiga ayaa shaaciyay askarta qeybta ah saldhiga Milateri ee bisha soo socota laga furayo magaalada Muqdisho uu howl galkooda bilowday maalintii shalay.

Si kastaba ha ahaatee Bisha Soo aaddan ee September ayaa daaha laga qaadi doonaa saldhigga ugu wayn geeska Afrika ay Turkiga taariikhda ku yeelato, waxaana ka shaqeyn doona ciidan iyo saraakiil Turki iyo Soomaali iskugu jirta.