Xog iyo Gorfeyn: Geed aad dul-saarantahay salka lagama gooyo

Muqdisho (Caasimada Online)-“Geed aad dusha ka saarantahay salkiisa lama gooyo” & “Maxaa la iiga farxi berri ayaan lummiye” labadan maah maah ayaan qormadaan ku eegayaa, qof iyo qolo-na ulama jeedo lkn dhaqan Siyaasadeed oo soo noq-noqday una baahan in wax laga bedelo ayaan ula jeedaa.

Qof kasta oo raba in uu fahmo Siyaasada iyo Siyaasiyiinta Somaliya wuxuu kala kulmaa jaah-wareer, Jid iyo Jiha la’aan; dhinaca ay u socoto iyo qaabka Siyaasiyiintu isugu xiranyihiin? U wada socdaan ama u kala sodaan? Heshiis u yihiin ama u dagaal-sanyihiin? Waxa isku xira; Xizbi miyaa? Qabiil miyaa? Deegaan miyaa? Koox diimeed ama Daneed miyaa? Dawlado shisheeye miyaa isku xira? Mabda’a kale Miyaa ka dhaxeeya? Sumadee lagu gartaa? Lagu cabiraa ama lagu qiimeeyaa?

Sidoo kale waxaa lagu wareeraa ama aan la fasiri karin Qof Golihii iyo Hay’adii uu ku jiray ama u socday, Kursigii uu ku fadhiyey ama u socday burburinaya ama sharaf iyo magac dilaya ama dhaawac iyo dhib u geesanaya, rabana maanta ama berri in uu ku fadhiisto.

Tusaale kooban waxaan u qaada karnaa dhacdooyin aan goobjoog u ahaa:

1-4 sano ka hor Golihii Wasiirada ee aan xubinta ka ahaa ayaan u baxay safar shaqo oo qaatay bil iyo maalmo, waxaan soo laabtay iyada oo la riday Xukuumadii iyo R/wasaarihii, waxaan la kulmay Wariiro haystay Wasaarado A ah, kuna faraxsan in ay rideen Xukuumadoodii iyo R/wasaara-hoodii, hadana ay raadsanayaan RW iyo Wasiiro cusub. Nasiib daro waxaa lagu ciqaabay ilaa iyo maanta in aysan helin Wasiir iskaba daa RW, waxaa ku dhacay Tusmadii Fiqiga ee aheed “shay aan waqtigiisii la gaarin hadii aad dedejiso waxaa lagugu ciqaabaa in lagaa xarrimo faa’iidadiisa” sida hadii aad ka qeyb-qaadato dilka waalidkaa adiga oo raba dhaxalkiisa waxaa lagugu ciqaabayaa in lagaa xarrimo dhaxalka! RW kasta oo yimaada waxaa dhegta loogu sheegaa; kooxdaas iska ilaali, Wasiiro haka dhigan, Malakul-mood ayey kugu noqon-doonaan!

2-Sanadkii hore bishii 6 aad waxaan la kulmay xildhibaano faraxsan oo leh waxaan Qaraar Barlamaan uga adkaanay Maxkamada sare ee dalka oo soo saartay go’aan ay ku burisay doorashadii 8 Xildhibaan, Golihii Sharci dejinta ayaa naga difaacay Garsoorkii Dalka oo sharci daro nagu eryey!!!.

3-Bilawgii sanakan waxaan la kulmay Xildhibaano ku faraxsan in Golaha Sharci dejintu u difaacay Xasaanadoodii, kana difaacay Denbigii uu ku eedeeyey Xeer ilaaliyuhu iyo weerarkii ay ku qaaday laanta fulintu !!!.

Waxaan is weydiiyey sharci uusan dejin Barlamaanku miyey ku weerartay Maxkamada, Xeer-ilaalinta iyo Fulintu Xildhibaanada? Miyuusan aheen sharciga maalin kasta dadka lagu xukumo laguna dilo? Mise iyaga ma qabto? Hadii uusan iyaga qaban maxaa loo joojin-waayey xukunada maalin kasta dadka lagu xiro ama lagu dilo !!!.

4-Shalay iyo ka hor waxaa War saxaafadeed soo saaray 4 Xizbi oo la baxay; Wadajir, Daljir, Kulan iyo Horusocod; waxaa la is weydiin karaa maxaa kulmiyay xiligaan? Waxaa muuqata in ay isku bahaysteen dagaal ka dhan ah M. Farmaajo iyo RW Khayre lkn maxaa uga hooseeya? Maxaa kiciyey dagaalkaas? Muxuu salka ku hayaa? Aaway mucaaradkii kale? Maxaa la isku haystaa? Maxaa lagu heshiin karaa??

Waxaa la wada ogyahay in 4 ta Xizbi iyo Madaxweynaha iyo R/wasaaruhu ku wada abtirsadaan deegaanada Galmudug, 4.5 kana 4 ta Xizbi iyo R/wasaaruhu isku Kursi yihiin lkn dagaalka iyo Mooshinka lagu bilaabay Madaxweynaha. Sidoo kale markii Galmudug la joogay oo Xildhibaanada la dooranayey waxaa isla socday oo isku bah ahaa; Xizbiga Daljir iyo Horusocod ama Qabyo ama Dam-Jadiid iyo RW Khayre sidaas ayeyna ku heleen Xildhibaano. Sidoo kale waxaa iyana isla socday oo isku jeel ahaa; Xizbiga Wadajir iyo Kulan iyo M. Farmaajo oo ka wada tirsanaa is bahaysigii Isbedel-sameynta, sidaasna ku waayey Xildhibaanadii Galmudug iyo Hirshabelle!

Lama oga waxa is weydaariyey? Sanad ka yar eyey Qabyo uga ololeynaysay Barlamaanka Saaxiibkood Khayre, hadana waxey joogaan nama matalo! Hadii Khayre ay kursiga u quuri la’yihiin sidey iyagu ugu heshiin-doonan? Hadii M. Farmaajo arintu tahay aaway beelihii xisaabta u lahaa Kursigiisa?.

Gundhiga qoraalkan waxaan ku khatimayaa laba tusaale oo nasoo maray:

A- Dawladii Madaxweyne M. Siyaad waxaa Mucaaradkii ugu horeeyey ku bilaabay SSDF waxey dhashay SNM, SPM iyo USC, 10 sano kadib markii dalka iyo dawladii la burburiyey ayey M. Siyaad iyo SSDF heshiiyeen lkn waxba uma tarin heshiiskaas oo dawlad iyo dal midkoodna ma dhaxlin!!

B- Maxkamadihii Xamar iyo Dawladii TFG ayaa laga waayey heshiiya inta aad awooda haysataan 2006. 3 sano kadi markii uu mid kasta kala burburay dalkii iyo dawkadiina burburiyeen ayey Jabuuti ku heshiiteen, lkn waxba uma tarin oo ma aysan helin awood ay wax ku qabtaan!.

Waxaan rajeynayaa in reer Galmudug oo aan kala guuri kararin heshiiyaan inta ay awooda heystaan, kuraastana kala sugtaan inta Somalida kale u ogoshahay!.

W/Q. Maxamed Gacal (Dr Gacal)

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com