28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Jawaari iyo Cumar Dhagey oo isku raacay dhabar jab ku ah doorashada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal Avv. Cumar Dhagey, ayaa kawada hadlay Doorashada Madaxweynaha Somalia ee fooda nagu soo heysa.

Kulanka labada Guddoomiye oo daba socda kulamo dhowr ah oo maalmahaani ka dhacaayay Villa Somalia, ayaa waxa uu Jawaari ka dalbaday Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka inuu Doorashada Madaxweynaha gaarsiiyo Bisha 1-aad ee sanadka fooda nagu soo haya.

Jawaari ayaa Cumar Dhagey dhinacyo badan ka tusay faa’iidooyinka ay leedahay in la dib dhigo Doorashada Madaxweynaha.

Jawaari oo u sir waramaaya Cumar Dhagey ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan ay wali qabyo u tahay diyaar garowgiisa ku aadan Doorashada, sidaa darteedna ay mudan tahay in doorashada Madaxweyne la gaarsiiyo ilaa Bisha 1-aad ee sanadka dhalan doona.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Avv. Cumar Dhagey, ayaa dhankiisa kasoo dhaweeyay fekerka Jawaari waxa uuna taa bedelkeeda sheegay in arrintaasi uu kala tashan doono Madaxweynaha oo gudaha Asbuucaani ay wada kulmi doonaan.

Cumar Dhagey waxa uu Jawaari u sheegay inay ka go’an tahay inuu qaado talaabo waliba oo uu kusoo bixi doono waxa uuna cod dheer ku sheegay in Xasan Sheekh uu noqon doono Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Cumar Dhagey ayaa Jawaari u ballanqaaday in juhdi farabadan uu ku bixin doono soo bixitaanka Xasan Sheekh, isagoo wax waliba u maraaya rabitaankiisa.

Geesta kale, Cumar Dhagey iyo Jawaari ayaa ku heshiiyay inay dib u wada kulmaan si ay u sameeyan qorsho cusub waa haddii dib u dhaca doorashada noqoto rabitaanka Xasan Sheekh.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News