Xog: Jawaari oo Farmaajo iyo Kheyre ku dhaliilsan hal arrin iyo 3 wasaaradood oo wali leysku heysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Muran aan sidaa usii weyneyn ayaa waxa uu wali ka dhex aloosan yahay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha BFS Jawaari.

Muranka ayaa la sheegay inuu yahay mid salka ku haya Cadadka Golaha Wasiirada oo xadka dhaafay, waxaana lasoo warinayaa in Jawaari uu aad uga soo horjeedo in tirro dhan 25-30 laga dhigo Golaha Wasiirada.

Jawaari ayaa Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ka dalbaday in cadadka Golaha la gaarsiiyo 20 hayeeshee waxaa dhagaha ka fureystay labada Mas’uul.

Jawaari ayaa kasoo horjeeda in sida la doonaayo loo kordhiyo cadadka Golaha Wasiirada waxa ayna taa sababtay in dhowr jeer uu dib u dhac ku imaado ku dhawaaqida Golaha Wasiirada.

Golaha Wasiirada cusub oo tiradooda lagu sheegay (30 Wasiiro , 30 Wasiir ku-xigeenno iyo 10 Wasiiru dowlayaal), taasi oo ka dhigan in liiska lagu arki doono Wasaarado cusub sida Dalxiiska, Deegaanka, Dib u heshiisiinta iyo kuwa kale ayaa sababi karta in loo waayo Wasaaradahaasi xarumo ay ku shaqeeyaan waana sababta uu Jawaari uga soo horjeedo cadadka aadka u faraha badan.

Wasiirada aadka u farahabadan ayaa waxaa ku adkaan doono inay helaan xarumo ay saldhigtaan waa haddii aanay Xukuumaddu u howlgelin dib u dhiska iyo faarujinta xarumihii hore ee dowladda oo dad ay deegaansadeen.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in Dib u dhaca shaacinta Golaha Wasiirada loo cuskaday culeysyo ka jira qancinta Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kasoo horjeeda cadadka Golaha ee aadka u farabadan iyo xulidda shakhsiyaadka Wasiirro ka kala noqon lahaa Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Gaashaandhigga oo ah seddexda Wasaaradood ee ugu saameynta badan dowladda marka la eego Wasaaradaha loogu yeero Darajo “A”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ku loolamayaan shakhsiyaad hore Wasiirro u ahaa iyo diblomaasiyiin ayaa dad badan ay eegayaan qofka loo huwin doono.

Tan iyo markii la magacaabay Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa soo kordhaayay Khilaafka u dhexeeya Seddexda mas’uul ee ugu sareysa iyo Beelaha kaa oo salka ku haya sad bursiga beelaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com