Shariif Xasan iyo taliyayaasha ciidamada oo la iska hor keenay iyo xaaladda oo meel xun mareysa

Baydhabo (Caasimada Online) – Xogta ay heleyso caasimadda online ayaa xaqiijineyso in la iska hor keenay taliyaasha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo madaxweynahooda Shariif  Xasan Shiikh Aadan, waxaan arrintaas ka shaqeeyey xildhibaano ku kacsan madaxweynaha.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa ka faa’ideystay jaaniska ah inaan ciidamada maaulka Koonfur Galbeed bilihii ugu dambeeyey la siin wax mushaar ah waxayna u sheegeyn sarakiishada ciidamada in Shariif Xasan uu isaga lunsaday mushaarkooda.

Xildhibaanada ayaa u mahad celiyay Saraakiisha iyo ciidamada Maamulka Koonfur galbeed oo ay sheegeen inay ku shaqeynayaan duruuf adag iyo waliba Mushaar la’aan modooyinkii dambey heysatay  ciidanka.

Xildhibaanada ayaa kashifay sir ah in mushaarka Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed loo soo dhiibay madaxweyne Shariif isla markaasna uusan dooneyn inuu bixiyo mushaarkaas, waxayna ku eedeeyeen inuu ku fushaday arrimo gaar u ah isaga.

Sidoo kale waxay shariif Xasan ku eedeeyeen inuusan marnaba ku fakareyn inuu wax u qabto shacabka iyo ciidamada Maamulka Konfur galbeed, waxayna ku tilmaameyn foolxumadii ugu dambeysay inuu madaxweynaha lunsado mushaarkii ciidamada lahaayeen.

Xildhibaanadaan ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Baydhabo waxaayna kulankaas kaoo qeybgalay qaar ka tirsan saraakiishada Ciidamada Koonfur Galbeed, waxayna saraakiisha kula dardaameyn inay meel iska saaraan Madaxweynaha.

Qaar badan oo ka mid ah saraakiishaas ayaa durba la xiriiray madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan, waxayna ku wargeliyeen inaysan sidaas u dulqaadan doonin haddii uusan sida ugu dhaqsiyaha badan ku bixin mushaarka ciidamada.

Sidoo kale XIldhibaanadaas ayaa ka shaqeenayo sidii mooshin ka dhan ah madaxweynaha loo hor geyn lahaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed, dhankiisa Shariif Xasan wuxuu isku dayayaa inuu arrintaas ka hor imaado.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com