Document sir ah: Musuq maasuqa hanti dhowraha iyo wixii dhex maray isaga iyo Ciil-Mooge

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online oo ah shabakad dabagasho waxyaabaha qarsoon ee ka jiro siyaasadda iyo dowladda Soomaaliya ayaa heshay Document sir oo dhex maray Hanti Dhawraha guud ee qaranka iyo wasiirkii hore ee Cabdullaahi Ciil Mooge.

Haddaba Hantida dhawraha ayaa la sheegay inuu lacag gaareyso ilaa 50 Kun oo Dollar ka qaatay Ciil Mooge oo lagu helay dambi ah inuu lunsaday hanti qaran oo tiro badan.

Wuxuu hanti-dhowruha qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale u gudbiyay xeer ilaalinta warqad summadeedu tahay xhg/m-185/2014 kuna taariikhaysan 13/10/2014 oo ujeedadeedu ahayd eedayn lacag ku maqan wasiirkii hore ee cabdulaahi ciilmooge oo dhan $78, 248, sida aad uga jeedo waraaqda hooseee kasoo baxday xafiiska Hanti Dhawrka.

Hanti Dhawraha ayaa sidoo kale qarisay lacag badan oo ku maqneyd Ciil Mooge oo aan isaga ka warqabin waraaqda laga gudbiyey inta lacag ku qoran taasoo keentay inuu Hanti dhawraha la fariisto kana dhaadhacsiiyo in kiiskaan la damiyo.

Markii ay wada fadhiistaan Hanti dhawraha iyo Cabdullaahi Ciil Mooge Xirsi wuxuu hantida dhawraha weydiistay madax furasho gaareyso ilaa 50 kun oo Dollar, waxaana durba loogu keenay bashqad sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka tirsan agaasimayaasha xafiiska hantida dhawrka qaranka.

Mudo kooban ka dib wuxuu hanti-dhowruhu u diray xeer ilaalinta guud warqad kale oo summadeedu ahayd xhg/m-278/2015 kuna taariikhaysan 10/02/2015 ujeedadeeduna ahayd cadayn ah in aanu wasiirkaasi hore ee ciilmooge lacagtaasi kor ka muuqataa ku maqnayn isla markaasna uu ka codsaday in la damiyo kiiska ka dhanka ahaa Ciil Mooge, sida aad uga jeedo waraaqda hooseee kasoo baxday xafiiska Hanti Dhawrka.

Qaar kamid ah Agaasimayaasha  xafiiska Hantida dhawrka ayaa inoo xaqiijiyey in lacagtii ku maqneyd Ciil mooge ay ka badneyd inta uu Hanti Dhawraha u gudbiyey xeer ilaaliyaha guud ee qaranka,  taasna waxaa kuu muujinayo lacagta tirada badan ee laaluush ahaan looga qaaday.

Haddii lacagta Ciil Mooge lagu heystay ay aheyd 78 Kun oo Dollar macquul maahan inuu Ciil moore laaluush ahaan u bixiyo 50 Kun oo Dolar, taasna waxay muujineysaa in Ciil Mooge uu lunsaday lacag tiro badan, inkastoo ilo wareedyadaas aysan nala wadaagin tirada rasmiga ah haddana waxay inoo xaqiijiyeen inay ka badan tahay lacagta ku xusay waraaqda loo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha.

F.G:waxaan goor dhaw idiin soo gudbineynaa Documentiyo sir ah oo aan ka helnay Hanti Dhawraha, waxaana kamid ah waxyaaabaha aan idiin soo gudbin doono:

1) $4 milyan oo ay lunsatay wasaaradda maaliyadda oo uu Hanti Dhawraha si xeeladeysan u qariyey

2) Hantida Dhawraha oo u shaqeeyo wasaaradda Maaliyadda, sideese ku dhici kartaa inuu la xisaabtamo