XOG: JAWAARI oo qaaday talaabo ka careysiisay Beesha Caalamka (Maxaa cusub?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalin un ka hor wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ugu yeeren Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Jawaari uu diiday inuu gaaro Xaruntaasi.

Jawaari ayaa la sheegay inuu diiday inuu tago Xarunta Xalane isaga oo tilmaamay inay mudan tahay in wakiilada ay ka dalbadan wakhti booqasho oo ay ugu yimaadan xafiiskiisa.

Jawaari waxa uu diiday in isaga oo ka tirsan xubnaha ugu sareeya dalka uu u martiyo mas’uuliyiin kale oo dalka marti ku ah, waxa uuna cadeeyay in dadnimadu ay tahay mid ku jirta in isaga lagu soo booqdo xafiiskiisa.

Waxa uu tilmaamay in ahmiyada loogu yeeraayo ay tahay in wax laga weydiiyo arrimaha ku xeeran doorashada dalka, sidaa aawgeedna ay fiicnaan laheyd in isaga loogu yimaado xafiiskiisa.

Jawaari ayaa si ganbasho la’aan ah wakiilada ugu sheegay inuusan aadi karin isaga oo sabab ka dhigay inuusan heynin wax wakhti ah.
Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ayaa wada dadaalo ay marba mas’uul kula kulmayaan si ay waxbadan uga ogaadan xaalada guud ee dalka iyo tan doorashada.

Tani ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa dareenka qaar ee ku jira madaxda dalka, inkastoo mas’uuliyiin uu kamid yahay Xassan Sheekh uusan laheyn damiir ka celinkara wixii sumcadiisa iyo tan guudba dhibaaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com