War ka cusub shirka IGAD ee la filayo in lagu qabto Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibada Somalia C/salaan Hadliye Cumar ayaa ka hadlay go’aanka ay dowlada Somalia ku qaadatay martigalinta shirka la filaayo in Madaxda Urur Goboledka IGAD uga furmo magaalada Muqdisho.

Hadliye waxa uu sheegay in dowladu ay juhdi ku bixineyso sugida amniga iyo hirgalinta shirka, waxa uuna sheegay in dhan waliba ay dowladu uga diyaar garowday shirkaasi.

Hadliye waxa uu sheegay in dowladu ay xooga saari doonto sida caalamka looga dhaadhicin lahaa Somalia oo dhowr sanno kadib amni ah, waxa uuna carab dhabay in marti galinta aysan garab ka geysan doonin dowlad aan aheyn Somalia.

Hadliye ayaa sheegay Martigelinta Shirka IGAD ee Muqdisho inay ka dhigan tahay in Somalia ay tahay meel nabad ah oo la isku haleyn karo, wuxuuna sheegay in taasi fariin ay u tahay Beesha caalamka.

Sidoo kale, bishan soo socota horaanteeda ayuu qorshaha yahay in Madaxda Urur Goboledka IGAD shirkoodii caadiga ah sanadkaan ay ku qabsadaan Magaalada Muqdisho, hadii uusan qorshahaasi isbedel ku imaanin.

Si kastaba ha ahaatee, shirkaani ayaa guul u noqon doona dowlada Somalia, waa haddii ay dhaqan gasho sida laga filaayo qabsoomidiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com