R/W CC oo kashifay arrin xasaasi ah oo Xasan Sheikh uu maleegey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka sheegaya in dowlada Somalia ay carqalad ku tahay danaha musharaxiinta u taagan xilka Qaran.

Sharmaarke waxa uu sheegay in caburinta iyo cadaadiska ay dowlada Somalia ku heyso Musharaxiinta uu yahay qorsho u gaar ah Xassan Sheekh oo aanu la qabin iyaga.

Waxa uu sheegay in shaqsi ahaantooda aysan raali ka aheyn in wax loo dhimo Musharaxiinta, waxa uuna cod dheer ku sheegay in qorshaha Xassan Sheekh uu yahay inaan lagu qabsan kursiga Qaranka.

Sharmaarke waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in dhibaatooyin badan ay ka dhalankarto caburinta lagu hayo Musharaxiinta balse arrinkaasi aan wax laga weydiinkarin.

Waxa uu intaa ku daray Sharmaarke in Xassan Sheekh ay dhowr jeer kaga hor imaaden in la xumeeyo musharaxiinta, hayeeshee uu dhagaha faraha ka gishtay.

Sharmaarke waxa uu ka digay in la caburiyo musharaxiinta waxa uuna carab dhabay inuu aaminsan yahay in cawaaqib ay ka dhalankarto.
Haddalka Sharmaarke ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Madaxweyne Xassan uu is hortaagay dhaqdhaqaaqyada Musharaxiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com