XASAN oo ka carrooday sawirro laga qaaday Cumar Dhagey oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh ayaa aad uga carooday Sawirro laga qaaday Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal Avv. Cumar Maxamuud Cabdulle oo loo yaqaano (Cumar Dhagey).

Xassan Sheekh ayaa goortii loo gudbiyay Sawiradaasi muujiyay carro iyo shaki ka dhan ah Cumar Dhagey, kadib markii la sheegay in Sawiradaasi ay muujinayaan Guddoomiyaha oo shirar qarsoodi ah kula jiro qaar kamid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa Axsaabta mucaaradka iyo shaqsiyaad la sheegay inay ahaayen Musharaxiin.

Madaxweyne Xassan ayaa sawiradaasi ku micneeyay mid suuragalinkarta in Cumar Dhagey uu jaanrogo Axdigii ay wada galeen ee ahaa inaanu lagu ag arki karin dhinacyada mucaaradka.

Xassan Sheekh waxa uu dareen lixaad leh ka muujiyay in Cumar Dhagey uu garab boodaayo Musharaxiinta cagsiga ku ah ololihiisa doorasho.

Shakiga Xassan Sheekh uu ka qabo Cumar Dhagey ayaa laga cabsi qabaa in Xassan uu mar kale go’aan ka gaaro Guddoomiyaha, marba haddii lagu ag sawiray isaga oo shirar gaar gaar ah kula jira Xubno ka tirsan Axsaabta iyo Musharaxiin u taagan kursiga uu Xassan Sheekh iminka u hayo Qaranka.

Ma cadda go’aanka Xassan Sheekh uu ka gaari doono Cumar Dhagey, waxaase cad in Madaxweynaha uu aad uga carooday sawirro kala nooc ah oo laga qaaday Cumar Dhagey oo shirar qarsoodi ah ku jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com