XOg: Qasnajigii W/Maaliyada DFS oo dhaqaale culus la baxsaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo soo baxaaya ayaa sheegaya in Khasnajigii Wasaarada Maaliyadda Xukuumada Somalia uu la baxsaday malaayiin dollar oo ku jirtay Qasnada Wasaarada.

Khasnajigaani dhacay malaayiinka dollar ee ku jirtay Qasnada Wasaarada ayaa waxaa lagu magacaabaa Santooni, waxaana la sheegayaa in Qasnajigaani xiliga uu boobay dhaqaalahaasi laga sugaayay inuu wareejiyo xilka.

Ilo wareed ka tirsan Wasaarada ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Mr Santooni lagu tuhunsan yahay inuu la baxsaday dhaqaale dhan Laba Milyan oo dollarka Mareykanka ah taasi oo ku jirtay Qasnada Wasaarada.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Santooni uu dalka isaga baxay waxyar un ka hor xiliga laga filaayay inuu wareejiyo dhaqaalaha iyo xilka Qasnajinimo ee Wasaarada.

Mr Santooni, ayaa maalmihii ugu danbeeyay ka hor inta uusan boobin dhaqaalahaasi hadal hayay in awood looga qaadayo xilka uu hayay, kadib markii ay is qabteen Wasiirka Maaliyada waxa uuna intaa kadib maciin biday inuu la baxsado dhaqaalahaasi maadaama uusan arag cadaalada.

Geesta kale, Santooni ayaa waxaa iminka baadi-goob ugu jira Wasaarada maaliyadda, waxaana soo baxaaya warar is khilaafsan oo sheegaya in wali uu ku jiro dalka, balse uu doonaayo inuu u baxsado dalka dibadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com