Sargaal ka tirsan Ahlu-Sunna iyo gaadiid isku dhiibay Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Cadaado ee Xarunta KMG maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi ay gaaren gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka goostay maamulka Ahlusuna.

Gaadiidkaasi iyo ciidamada la socday ayaa waxaa hogaaminaayay Sargaal ka tirsan Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca oo lagu magacaabo C/risaaq Cali Tubaako.

Sargaalkaani iyo ciidamada uu Hogaaminaayay ayaa isku soo dhiibay maamulka Galmudug, waxaana la soo sheegayaa in Sargaalka uu lasoo baxsaday gaadiid aad u farabadan.

Sargaalkaani iyo ciidamada la soo goostay ayaa waxaa magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug.

Ciidamada Ahlusunna ayaa la sheegay in dhacdadaani kadib ay Magaalada Dhuusamareeb ku xireen Hooyada dhashay Sargaalka ka goostay Ahlusunna ee isku dhiibay Galmudug, waxaana Hooyada lagu Magacaabaa Shamso Xuseen Cali-cad.

Shamso Xuseen ayaa Ahlusunna ka soo xirtay Tuulo lagu Magacaabo Tuulo Caano oo Waqooyiga ka xigta Degmada Gurceel,iyadoo la soo xiray markii wiilkeeda ka goostay Ahlusunna.

Maamulka Ahlusuna ayaa ka taliya qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka Galgaduud , waxaana ay kasoo horjeedaan maamulka Galmudug.

Majiro war kasoo baxay maamulka Ahlusuna oo looga hadlay sargaalkan isku dhiibay ciidanka maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com