Xasan iyo Faarax oo Guuleed ka tuuraya xilka (Yaa lagu beddelaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kabiirka Damu-Jadiid Faarax Cadulqaadir ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen go’aan ka dhan ah madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Guuleed oo dhowaanahan khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyey madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa Damu-Jadiid ayaa la go’aamiyey in xilka laga qaado, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Kulanka arrintan lagu go’aamiyey oo ka dhacay Villa Somalia ayaa la iskula meel dhigay in Guuleed lagu beddelo wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa oo ay Guuleed kasoo wada jeedaan beesha Habar Gidir.

Guuleed waa Sacad, Odowaana Saleebaan. Wararka ana heleyno ayaa sheegaya in maalmaha soo socda Guuleed lagu kicin doono xildhibaanada Galmudug oo markii hore u ciil qabay, si ay xilka uga qaadaan.

Guuleed iyo madaxweynaha ayaa isku qabtay markii Xasan looga maaro waayey caddaalad darrada uu ugu eexanayo maamulka Puntland, oo ku sasabay inay taageerayaan in dib loo soo doorto.

Tallaabada Xasan iyo Faarax ee ka dhanka ah Guuleed ayaa laga cabsi qabaa inay colaad cusub ka huriso gobollada dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com