Video: Isbahaysiga RAJO oo shir muhiim u ah Somaalida qabtay

Isbahaysiga midaynta iyo RAJO soo celinta Soomaaliyeed ee RAJO ayaa (August 14, 2016) waxa uu Shirkii 1aad ee wadatashiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee xorta ah ku qabtay magaaladda Nayroobi dalka Kenya kaasi oo ay ka qeyb galeen Waxgarad, Ganacsato caan ah, Culuma’udiin, Aqoonyahano, Haween, Dhallinyaro iyo weliba taageerayaasha Isbahaysiga RAJO ee ku sugan Dalka Kenya.

Ugu horeyn waxaa lagu furay aayaddo Quraan ah, ka dibna waxaa shirweynaha laga daawaday muuqaalo ka hadlaya waddaniyadda iyo gabay qiira wadani ah sita oo uu tiriyay Abwaan Suugaal kaas oo qiiro geliyey ka soo qeyb galayaasha shirweynaha.

Dr. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo ka mid ah aas-aasayaasha Isbaheysiga RAJO oo ugu horeyntii ka hadlay shirka ayaa sheegay in Isbahaysiga RAJO uu yahay mid taageeraya in la helo waddaniyiin Soomaaliyeed oo u istaaga sidii ay dalkooda,dadkooda iyo diintooda wax ugu qaban lahaayeen.

“ Isbahaysiga RAJO kuma shaqeeyo qabiil, siyaasad,koox,urur iyo weliba danno shisheeye, waxa uu u taagan yahay u shaqeynta shacabka Soomaaliyeed si uu wax ugu qabto, Shirkaan waa midkii 1aad ee ee wadatashiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee xorta ah, xor micnaheedu waa in aanu xor ka nahay wax walba oo qaranimadeena dhaawac ku ah.” Ayuu yiri Dr. Cabdicasiis.

Dr. cabdi casis wuxuu danbiga oo idil dusha uga tuuray wadaniinta isagoo ku eedeeyay in eey gabeen hawshooda mudo aad u dheer taasoo wadanka dhaxleysiisay sida uu yiri in uu dalkeena eey damcaan nacab shisheey ah iyo nacan sokeeya ah oo eey xusheen oo eey biilaan islamarkaana shacabkooda ka ilaaliyaan .

Dr. Cabdiraxman Maxamed Cabdi oo ka mid ah Aqoonyahnadda dhanka dhaqaalaha bartay mudo dheerna u shaqeynayey Bangiga aduunka (World Bank) ayaa hadal dheer oo uu jeediyey waxa uu tilmaamay in Soomaaliya u baahan tahay waddaniyiin ka shaqeeya sidii dalkooda wax ugu qaban lahaayeen, sidoo kale Dr . Cabdiraxmaan wuxuu cadeeyay in aan ka maarmi karo deeq shisheeye taasina eey noo suura galin doonto in aan noqon wadaniin xor ah. Dr. abdirahman waxa uu si cilmyayasan u timaamay ilaha dhaqaalah oo eey dawladu adeegsan karto iyadoon deeq shisheeye aan lagu tala galayn.

Dr. Ibrahim Faraax Bursalid, asaasaha shabkadda Nabada iyo Cadaaladda ee Maandeeq oo isagana hadal uu ka jeediyey ayaa waxa uu tilmaamay Soomaaliya in ay tahay meel khatarta ka jirta ay u baahan tahay in ay ka badbaadiyaan waddaniyiin dalkooda jecel, isaga oo tilmaamay in Shirkii 1aad ee wadatashiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee xorta ee soo qaban-qaabiyeen Isbahaysiga RAJO uu yahay mid uu taageerayo kuna faraxsan yahay.Waxa uu aad uga hadlay arimaha federalka oo uu tilmaamay in Soomaaliya maantay si khaldan loo isticmaalay loona baahan yahay in Soomaalida ay ka baxdo in ay nidaamka ay dhisteen si khaldan u isticmaalaan.

Nuural-cayn Khaliif oo ku hadshay codka haweenka Soomaaliyeed ee shirweynaha ka qeyb galay ayaa iyaddana waxa ay in badan ka hadshay sida xaaladda Soomaaliya tahay iyadda oo tilmaamtay in dalka u baahan yahay waddaniyiin u istaaga si ay u badbaadiyaan.
Nuur-cayn wexeey ku celcelisay in la gaaray waqtigii dumarka hoganka dalka qaban lahaayeen si dalkan uu uga kabsado dib u dhaca, waxaa tusaalaheedii ka mid ahaa in eey xustay in ilaa iyo hada qofka keliya oo madax noqday oo diiday musuqmasuq iyo in la xado hantida dawlada eey tahay qof dumar ah oo la yiraahdo YUSUR, taasana eey cadayn buuxda u tahay in dumarku eey ku haboon yihiin hogganka dalka.

Sidoo kalena, waxaa hadal lagu soo dhaweeyay Shiikh Cabdiraxmaan oo ka mid ah dadkii ka qeyb galay shirka ayaa isagana in badan ka hadlay in Soomaaliya ay mudo dheer ka jirtay in si khaldan loo isticmaalo diinta Islaamka isaga oo ugu baaqay dhammaan Culuma’udiinka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan maslaxadda Umadda. Shiiku wuxuu kaloo nasteexooyin diini ah oo aad loogu riyaaqay u soo jeediyay isbahysiga RAJO iyo wadaniintii kale ee fadhiday shirwaynaha.

Dhanka kalena, dhammaan dadkii ka hadlay shirweynaha 1aad ee ee wadatashiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee xorta ah ayaa isku raacay in maantay muhiim tahay in laga shaqeeyo sidii Soomaaliya looga badbaadin lahaa khatarta ay ku sugan tahay mudada 25 sanno ka badan.

Intaas ka dib waxaa su’aalo la weydiiyeen dadkii shirka hadlay, iyadda oo dadka su’aalaha weydiiyey uu ka mid ahaa Danjire Cumar Cabdilahi Cali, suxufiyiin shirka ka qeyb gashay oo ka kala socotay warbaahin dalka laga leeyahay iyo kuwa kale oo dalka dibadiisa ka hawl gala, iyo dadweynihii kale kuwaas oo ay u jawaabeen masuulyiintii shirka ka hadshay oo uu ugu horeyay Dr. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo ka mid ah aas-aasayaasha Isbaheysiga RAJO.

Waxaana la ururiyey talooyinka ay ka soo jeediyeen ka qeyb-galayaasha shirweynaha kuwaas oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin in ay arkaan waddaniyiin Soomaaliyeed oo u istaagtay sidii dalkeena wax ugu qaban lahaayeen.

Ugu dambeyntii waxaa dhammaan dadkii ka qeyb-galay shirweynaha 1aad ee ee wadatashiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee xorta laga codsaday in ay iska diiwaan geliyaan websitka Isbahaysiga RAJO ee www.rajo.so iyo weliba barta facebook ee ah Isbahaysiga RAJO soo celinta Soomaaliya. ayna u diyaar garoobaan in si dhab ah oo aan hadal ahayn loo diyaar garoobo si sida ugu dhaqsiyaha badan loo badbaadiyo dalka.

Shirkaan ayaa noqon doono mid sii socon doona oo uu isbaheysigu qorshaystay in uu ku qabto kuwa la mid ah goobo badan oo dalka gudihiisa iyo dibadiisa mudooyinka soo socda si la isugu xiro dhamaan wadaniinta Soomaliyeed ee dhabta ah oo xorta ah.