Galeyr : “Rag iyaga is dooranaya hala doorto oran maayo anigu”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galleyr ayaa walaac ka muujiyay qaabka ay Madaxtooyada Somalia u daadihineyso doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Cali Khaliif waxa uu sheegay in iminka ay u muuqato sida uu xaalka noqon doono xiliga doorashada, waxa uuna carab dhabay in sheekadu ay tahay nin dooran yaa doorta idin yiri.

Waxa uu Galeyr sheegay in doorasho ay ka dhacdo wadan uu amnigiisu yahay mid leysku haleynkaro balse uusan garan karin sababta xiligaani loogu degdegaayo doorasho ka dhacda Somalia.

Galeyr waxa uu yiri ”Anigu waxaan ka cabsi qabaa in Ammaanka dalka uu faraha ka baxo maalmaha lagu mashquulsan yahay doorashooyinka, waayo dadkii is dooran lahaa waxa ay ku mashquulen sida ay isku dooran lahaayen waxa ayna ka mashquulen amniga”

Galeyr waxa uu sheegay in xaalada dalka ay tahay mid aloow sahal ah, ka hor inta aan la gaarin xiliga doorashada, iskaba daaye ayuu yiri haddii la gaaro wakhtiga doorashada.

Mar wax laga weydiiyay culeyska Khaatumo ka hortaagan kamid noqoshada maamulada sharciyeysan ayaa waxa uu yiri ”Khaatumo wey dhisan tahay keliya waxa ay u baahan tahay taageero waayo dowladu dhul faraaqo ah ayay maamul ka kooban hal gobol iyo Bar ka dhigtay maamul sharciyaysan haddii loogu tallo galo in dowladu ay Khaatumo u sameyso maamul kuma qaadaneyso hal maalin”

Dhinaca kale, Mr Galeyr waxa uu ka digay in laga gudbo sharciga dalka isla markaana loo gudbo sharci ay sameysatay laba ruux.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com