Bankiga Dhexe ee DF oo qaabab yaab leh ku bixiya mushaharka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia, ayaa bilowday qaabab ka duwan kuwii hore ee mushaaraadka lagu siin jiray qaar kamid ah shaqaalaha Dowlada.

Qaababkaani cusub ee mushaarka lagu siinaayo shaqaalaha dowlada ayaa waxaa kamid ah in Bangiyada sida gaarka ah loo leeyahay ay shaqaalaha qaar ka qaadankaraan mushaaraadkooda.

Agaasimaha waaxda shaqada ee wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Cabdirsaaq Maxamed Cali oo arrintaani ka hadlaayay ayaa sheegay in tani ay sabab u tahay culeys dhanka shaqaalaha uga yimid waxa uuna tilmaamay in qaabkaani cusub ay ku fududeynayaan mushaar bixista.

Waxa uu Agaasimuhu sheegay in xiliyadii ugu danbeeyay ay shaqaalaha dowlada Mushaarka ka soo doonan jireen Bankiga dhexe, balse culeys iyo ciriiri jira darteed ay shaqooyinka ku fududeeyen in Mushaarka laga qaadankaro dhowr Bangi oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in shaqaalaha oo idil aysan mushaar ka wada qaadankarin hal xafiis oo ku dhexyaalla Bankiga balse ay go’aansadeen in Mushaarkooda ay ka qaadan karaan dhowrka Banki ee xiriirka kala dhexeeya Bankiga Dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

”Dhinacyo badan ayaan ka fiirinay saxmada jirta mudada ay shaqaalaha qaadanayaan mushaarkooda, si shaqsi waliba isla wakhtigaasi u qaato mushaarkiisa waxaan ku shubnaa Mushaarka Bangiyada xiriirka aan wadaagno”

”Wey jiraan qaabab kale oo aan ku fududeyno mushaar bixista, waxaan sameynaa in shaqaalaha qaar ay mushaarka siyaan lataliyaal iyo kuwa ay wasaaradaha ay ka tirsan yihin ay usoo qaadaan nucyadaas kale ayaa jira oo iyadana ah mid ka duwan kuwa kale ee Bankiga dhexe”

Agaasimaha waxa uu meesha ka saaray suuragalnimada in qaabab khaldan loo isticmaalo mushaaraadka shaqaalaha waxa uuna sheegay inay cayiman tahay dhaqaalaha baxa.

Dhinaca kale, Agaasime Cabdirsaaq Maxamed Cali, waxa uu carab dhabay in noocyada cusub ee lagu bixinaayo mushaarka shaqaalaha ay inta badan soo dhaweeyen shaqaalaha dowlada, inkastoo ay iska jiraan dhaliilo yar yar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com