26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

JAWAARI oo safar aan la qorsheyn ku tagaya…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka degmada Dhuusomareeb ee  gobolka Galgaduud ayaa sheegay iney u diyaar garoobeen soo dhaweynta gudoomiyaha baarlamaanka ee Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Degmada Cabdulaahi Macalin Axmed ayaa sheegay iney  diyaar u yihiin soo dhaweynta gudoomiyaha baarlamaanka oo noqonaya masuulkii seddexaad ee ugu sareeyo dowlada oo taga degmadaasi.

“Imaanshaha gudoomiyaha baarlamaanka iyo u diyaar garowgiisa waa mid aan u diyaar garownay, waxaana og tahay ujeedada, ileen halkaan waxaa ka socda shirkii dib u hishiisiinta wuxuuna kormeerayaa shirka halkaan ka socda”ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka marka uu tago magaalada Dhuusomareeb uu kormeer ku tagi doono xarumaha kala duwan ee magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Jawaari ayaa la filayaa inuu gudban ka jeediyo halka uu ka soconaya shirka dib u hishiisiinta ee ka soconaya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News