28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Suxufi maanta lagu maxkamadenayo Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in Maxkamadda Gobolka Banaadir la horkeeno Tafaftiraha Idaacada Shabelle Wariye Maxamed Bashiir Xaashi.

Weriyahaani ayaa maanta halkeedii uga sii socon doonto dacwadii qabyada u ahay waxa uuna xiran yahay muddo toddobo bilood.

Dhowr jeer ayuu kasoo muuqday Madxamada Gobolka Banaadir horteedii, iyadoona marba marka xigta dib loo dhigaayay dacwadiisa.

Qareenka u dooda Weriyahaani xabsiga ku haray Abukaate Cali Xalane, ayaa ku waramaya inaanay jirin cadeymo muujinaya in Wariyuhu uu wax dembi ah uu lee yahay.

Abukaataha oo Habeenimadii xalay la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa tilmaamay in maanta uu Weriyuhu ka balansan yahay Maxkamada.

Waxgarad, Siyaasiyiin iyo aqoonyahaano badan ayaa dhaliilsan xariga Weriyahaani, waxa ayna tilmaamayaan mid Xeer ilaalintu ay Siyaasadeyneyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News