28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Jawaari oo Xasan u sheegay in C/Weli ay raaceen xildhibaano cusub (Imisa?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya Aqalka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in habeenimadii xalay uu kulan dhexmaray Madaxweyne Xasan iyo Gudoomiye Jawaari.

Jawaari ayaa waxa uu Xasan ku booqday Hooygiisa waxa uuna kala hadlay Heerka uu gaarsiisan yahay Abaabulka Xildhibaanada Mooshinka kasoo horjeeda ee taageersan R/W C/Weli Sheekh Axmed.

Jawaari ayaa waxa uu Xasan Sheekh u sheegay in tirada Xildhibaanada taageersan R/W C/weli ay marba marka xigta sii kordhayaan, ayna ugu wacan tahay beesha caalamka oo arrinta faraha kula jirta.

Jawaari waxa uu Madaxweyne Xassan u sheegay in wararkii ugu dambeeyay ee uu ka helaayo dhanka Xildhibaanada taageersan C/Weli ay ku dhow yihiin  98 Xildhibaan, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Inkasta oo weli tiradan aysan ku filneyn inay bad-baadiyaan Cabdi Weli, haddana waxa ay ka wanaagsan yihiin tiradii ugu dambeysay oo ahayd 69 xildhibaan.

Jawaari ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan u sheegay inaysan suuragal aheyn in R/W C/weli uu kaga itaal roonaado dhanka Mooshinada, haddii ay sii kordhaan xildhibaanadan, oo sidoo kalena buuq ka wada kullamada baarlamanka.

Waxa uu ugu baaqay inuu kasoo dabco mowqifkiisa kana aqbalo sidii arrinta xal looga gaari lahaa, ayada oo aan mooshin loo gudbin, balse Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya mowqifkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News