Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Cusub ee Somalia, ayaa mar kale xusul duub ugu jira sida uu ku noqon lahaa Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka xulistiisu socto.
Xusul duubka Jawaari ayaa waxaa dhiirigalinaaya Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xubno kale oo ku dhowdhow Madaxweynaha kuwaasi oo la dhacsan garabka ay ku heystaan Jawaari.
Dadaalka uu Prof Jawaari ku xaqiiqsaday inuu ka mid noqday Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka soo socda ayaa loo arkaa inay dhabaha u furayso inuu mar kale isku soo taago Xilka Guddoomiyaha Barlamaanka cusub ee Federalka.
Madaxweyne Xassan ayaa kamid ah ragga dhaqaalaha la dabataagan Guddoomiye Jawaari, waxa uuna ujeedka ugu weyn yahay in Shariif Xassan uusan damcin noqoshada Madaxweynaha cusub ee Somalia.
Musharaxnimada Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa dhamaaneysa marba haddii Guddoomiye Jawaari uu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Somalia, waxaana qorshahaani karkarinaaya Madaxweyne Xassan.
Madaxweyne Xassan ayaa si aad ah uga walaacsan Musharax Shariif Xassan waxaana suuragal ah in Shariif uu ku haro banaanka ka hor inta aan la gaarin doorashada.
Si kastaba ha ahaatee, Siyaasada ay dheelayaan Xassan Sheekh, Jawaari iyo Shariif Xassan oo dhinac ah ayaa qalqal Siyaasadeed galisay hanaanka ololaha doorashooyinka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

