Xog: Kala shaki soo kala dhex galay Xasan Sh. iyo Sharmaarke

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gaabis muuqda laga dareemayaa xiriirka wadashaqeeneyd ee ka dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid cali.

Gaabiska ku imaaday xiriirka labada mas’uul ayaa yimid tan iyo markii Ra’isul wasaaraha dalka uu ku dhaqaaqay inuu taageero ka sameysto Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye si uu taageero uga helo xiliga doorashada.

Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale tuhunsan in Sharmaarke xiriirkiisa ku aadan Odayaasha iyo Siyaasiyiinta uusan aheyn mid ku eg taageero raadis balse uu ka horkeenay isaga oo ka dhex faa’iideysanaaya khilaafka Xassan kala dhexeeya dhanka Beelaha Hawiye.

Madaxweyne Xassan oo ka didsan Siyaasada Sharmaarke ayaa bilaabay inuu xadido Ra’isul wasaaraha si uusan u helin taageero dhanka Beelaha Hawiye waxa uuna gaabis ku sameeyay shaqada iyo xiriirkii kala dhaxeeyay.

Kala shakiga ugu badan ayaa ka dhashay kadib markii Madaxweyne Xassan uu ka warhelay in Sharmaarke uu helay taageerada ugu badan muddo kooban gudaheeda taasi oo sabab u noqotay kasbasho la’aanta Xassan Sheekh ee Beelaha Hawiye.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili shaqooyinkii badnaa ee uu hayay Ra’isul wasaaraha dalka uu gaabis ku imaaday, kadib markii Madaxweyne Xassan uu shaqo galiyay Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Carte si uu Sharmaarke uga caaganaado shaqooyinka uu Qaranka u hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com