Mareykanka oo ku dhagan ninki abaabulay Afganbigii Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa baaritaano adag ku bilowday wadaadka sida aadka ah kaga soo horjeeda dowlada Turkiga Fethullah Gulen oo ku eedeysan inuu ahaa maskaxdii ka danbeysay Afganbiga.

Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ayaa u yeertay Fethullah Gulen si ay wax uga weydiisu tuhunka ah inuu lahaa fakirka lagu afganbin lahaa Madaxweyne Erdogan.

Fethullah Gulen, ayaa waxaa wehlinaayay laba ruux oo dowlada Mareykanka ay u xil saartay la socodka xaaladiisa kuwaasi oo isha ku haya dhaqdhaqaaqa Fethullah Gulen.

Fethullah Gulen, ayaa la sheegay in iminka uu maray wareysigii ugu horeeyay si ay dowlada Mareykanka wax uga ogaato tuhunkiisa.

Dowlada Mareykanka ayaa macluumaadka ay ka hesho Fethullah Gulen la wadaagi doonta dowlada Turkiga, si looga salgaaro eeda taagan.

Dhanka kale, Fethullah Gulen, ayaa dalka Mareykanka ku nool muddo fog waxa uuna inta badan fangareeyaa dhaqdhaqaaqyada mucaaradka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com