Xog: Fadeexaddii Gabre qabsatay oo danbi ku noqotay DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaarada dalka Ethiopia ee magaalada Muqdisho ayaa dacwad ka dhan ah Wasaarada Gaashaandhiga Somalia u gudbisay Madaxweynaha Somalia, kadib markii gudaha Wasaarada lagu fadeexeeyay Gen. Gabre oo dowlada Ethiopia u qaabilsan carqaladeynta Siyaasada Somalia.

Dacwadaani ka dhanka ah Wasaarada Gaashaandhiga ayaa waxaa lagu dalbaday in dowlada Somalia ay ka jawaab bixiso sababta Gabre looga celshay shirkii ka socday Xarunta weyn ee wasaarada Gaashaandhiga.

Dacwada Safaarada ayaa waxaa lagu sheegay in lagu xaqiijiyay in Gabre uu awood u leeyahay inuu la socdo dhammaan qorshooyinka dowlada ee dhabaha loogu xaaraayo nabadgalyada, kadib markii ay Safaarada ku dooday in Gabre uu kaalin ka qaatay nabadda Somalia ay iminka heysato.

Safaarada Ethiopia ayaa qoraalkeeda ku wajahan Xafiiska Madaxweyne Xassan ku qortay in ujeedka Gabre uu ahaa inuu la socdo natiijada kasoo baxda shirkaasi si ciidamada Ethiopia ee ka howlgala Gobolada dalka loola socodsiiyo howlgalka ay qorsheyneyso Wasaarada Gaashandhiga Somalia si ay howlgalkaasi qeyb uga noqdaan ciidamada Ethiopia ka jooga Somalia.

Safaarada oo go’aanka lagu shirka looga soo eryay Gabre ka carootay ayaa Xafiiska Madaxweyne Xassan ka dalbatay in laga jaahil bixiyo sababta ka danbeysay in Gabre laga soo saaro Xarunta Wasaarada Gaashandhiga isaga oo u taagan ka qeybqaadashada nabadad Somalia.

Dowlada Somalia ayaa looga fadhiyaa in dowlada Ethiopia ay ka jawaab siiso sababta ay Gen. Gabre kaga soo saartay shirka.

Tani waxa ay imaaneysaa iyadoo dowlada Somalia aysan maamulin inta badan dalka, islamarkaana dowladaha ciidamada ka jooga Somalia ay xog uruurin u ku hoos wadaan joogitaankooda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com