XOG: Erdogan oo Russia ka dalbaday khubaro sirdoonka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadal heysa xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya dowladaha Turkiga iyo Russia kaasi oo dhawaan dib loo soo nooleeyay.

Warbaahinta qaar ayaa qoray in Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ka faa’iideysanaaya xiriirka cusub uu dowlada Russia ka dalbaday Khubaro Sirdoon oo kala shaqeeya baaritaanka lagu hayo Kooxihii ku lug lahaa Afganbinta dalkiisa dhawaan ka dhacday.

Erdogan ayaa dhigiisa Russia Putin ka codsaday inuu usoo diro Khubaradaasi si ay kaga caawiyaan baaritaanka waxa uuna sidoo kale u sheegay in Turkiga ay kalsooni ku qabto Russia.

Sidoo kale, qoraalada ay warbaahinta qoreen ayaa waxaa lagu sheegay in Erdogan uu Russia kuwargaliyay in baaritaanka socda uusan ka turjumi doonin faragalin ay Russia ku heyso amuuraha Turkiga, balse uu yahay mid caawinaad ah oo labada dal ka dhexeeya.

Warbaahintu ma aysan sheegin tiradda Khubaro uu dalbaday Erdogan, balse waxa ay xaqiijiyeen in dalabkaasi uu yahay mid ka imaaday Madaxweynaha Turkiga.

Erdogan ayaa diiday in baaritaanka socda ay ku lug yeeshaan dowladaha Mareykanka, Britain iyo dowlado kale oo Madaxweynaha usoo bandhigay inuu aqbalo inay ka caawiyaan baaritaanka socda.

Dowladaha Turkiga iyo Russia oo aan baryihii danbe uusan fiicneyn xiriirkooda, ayaa waxa uu dib usoo noolaaday maalin un kadib markii Kooxaha Mucaaradka ay ku fashilmeen Afganbinta Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com