Odayaasha Hiiraan oo hal shardi ku xiray ka tanaasulka dhismaha..

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay odayaasha dhaqanka beelaha dega Gobolka Hiiraan ay ku dhawaaqen go’aan ah inay dhisanayaan maamul cusub oo ka madax-banaan dowlada Somalia, ayaa waxaa ka tanaasulka arrintaasi shuruud ku xiray Odayaasha Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay dhistaan maamul cusub oo ay kaga maarmi doonaan dowlada Somalia iyo kan cusub ee iminka lagu dhisaayo magaalada Jowhar.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka Hiiraan Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec ayaa sheegay inay ku adag tahay inay hakiyaan dhismaha maamulka cusub, waxa uuna tilmaamay in haddii ay suurtogal tahay inay muujiyaan tanaasul keliya ay ku qanci karaan in loo hirgaliyo rabitaankooda.

Ugaas Cali waxa uu sheegay inay wataan hal shuruud oo ay ku hakin karaan dhismaha maamulka cusub taasi oo ah in Gobolka Hiiraan loo qeybiyo laba Gobol islamarkaana ay helaan xuquuqdii ay ku lahaayen maamulka dhismihiisa uu ka socdo magaalada Jowhar.

Ugaas Cali oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri ”Waxan leeyahay DFS iyo IGAD hadii aad dadka reer Hiiraan wax u heysaan banaanka soo dhiga anagu waxaan wadanaa mowqif ah in Gobolka Hiiraan labo gobol loo qeybiyo haddii aadan awoodin mowqifkaasi ha is dhibina oo halkiina iska jooga”

Odayaasha dhaqanka waxa ay sheegen inaanu waxba ka khuseyn howlaha dowlada Somalia ay ka wado magaalada Jowhar, waxa ayna sheegen inaan Hiiraan loo dhisi doonin maamul lagu soo dhoodhoobay magaalada Jowhar.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ku sugan xildhibaano ka tirsan BFS kuwaas oo halkaasi u gaaray sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen dhameystirka shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com