Somaliland oo deegaan muhiim ah kala wareegtay PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada uu ka socdo dagaalka u dhexeeya ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa sheegaya in deegaan halkaasi ku yaalla ay la wareegen ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa si buuxa ula wareegay Degaanka Tuke-raq ee Gobolka Sool xili deegaankaasi ay ku sugnaayen ciidamada maamulka Puntland.

Deegaanka ay ciidamada Somaliland kala wareegen kuwa Puntland ayaa Caasimadda Puntland ee Garowe u jira 70-km, halkaasi oo saldhig u ahaa Ciidamada Puntland.

Degaanka Tuke-raq, ayaa waxaa iminka lasoo dhoobay gaadiid dagaal oo ay leedahay Somaliland waxaana halkaasi caawa ka jira amarka ciidamada maamulka Somaliland.

Xaalado cabsi leh ayaa waxa ay caawa ka taagan yihiin qeybo ka mid ah Gobolka Sanaag, waxaana jira cabsi laga qabo in dadka deegaanka lagu dul dagaalamo.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan qabsashada deegaankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com