Sawir: Meydka mas’uul ka tirsan xafiiska CC oo laga dhex helay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa sheegaya in Hoteel ku yaalla halkaasi laga dhex helay meydka mas’uul ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia.

Mas’uulka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Yuusuf Aadan oo ku magac dheer ”Maxamed Khayr”, kaasi oo ahaa ku-xigeenkii Xoghayaha joogtada ah ee xafiska Ra’isul wasaaraha dalka.

Meydka mas’uulkaasi ayaa waxaa laga soo saaray qol uu ka deganaa Hoteel ku yaalla magaalada Nairobi, waxaana Meydkaasi maamulka Hoteelka kusoo wargaliyay mid kamid ah haweenka ka howlgala Hoteelka, gaar ahaan kuwa qaabilsan nadaafada.

Meydka ayaa la sheegay in goortii loogu galay qolka uu ahaa mid silac uu ka muuqday.
fff
Wararka qaar ayaa sheegaya in Xoghayaha joogtada ah ee xafiska Ra’isul wasaaraha dalka lagu dhex ceejiyay qolka uu degnaa, islamarkaana laga qaatay dhaqaale iyo dukumiinti uu lahaa.

Wararkaasi ka duwan, ayaa sheegaya in tii alle ay u timid islamarkaana uu qolkii uu degenaa ku dhex dhintay.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dowlada Somalia oo arrintaani ku saabsan markii laga soo tago Tacsi uu diray Ra’isul wasaaraha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com