Weerar goordhow lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in dabley ku hubeysnaa qoryaha nooca fudfudud ay rasaas huwiyeen gaari ay la socdeen dad shacab ah.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa waxaa la socday ku dhawaad 11 ruux oo shacab ah, waxaana weerarkaasi uu khasaaro kasoo gaaray qaar kamid ah shacabkii la socday gaariga.

Weerarka ayaa waxaa la soo sheegay inay ku dhinteen ilaa Seddex ruux, halka sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray ilaa laba ruux oo gabi ahaantooda shacab ahaa.

Gaariga la weeraray ayaa waxa uu xiligaasi maraayay inta u dhexeysa deegaanada Golweyn iyo Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka baxsaday dableydii weerarka qaaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowlada oo kala daadgureeyay dadka dhaawaca ah iyo kuwa dhimashada.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com