Xog kasoo baxeysa khasaaraha qaraxa Jazeera!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka loo eego sawirada laga soo qaaday qaraxa ka dhacay hotel Jazeera oo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa laga baqayaa in qarasaaha uu aad u bataa, maadaama burbur xoogan uu ka muuqdo hotelka.

Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay ku dhawaad 16 ruux iney ku geeriyoodeen hotelka  qaraxa uu ka dhacay, waxaana loo badinayaa iney ahaayeen dadka dhintay ilaalada hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah weriyaha Tv-ga Universal ee goblka Gedo Maxamed Cabdikariim.

Khaliif Daahir Maxamed, oo kamid ah wadayaasha gaadiidka Amiin Ambalaas ayaa VOA u sheegay iney akeen dhimashada 13 ruux iyo dhaawaca 21 kale oo ay ka qaadeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney arkeen burburka dhismaha hotelka.

Hotelka waxaa degen safaadaraha Shiinaha iyo Qatar, diblu maasiyiin Soomaaliyeed, wasiiro iyo xildhibaano qaar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa socda u gurmashada dadka ku waxyeeloobay qaraxa xoogan ee ka dhacay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa buux dhaafiyay hotelka galabta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la arkayaa gadiidka ambalaasyada oo dadweynaha daad gureynaya.

Waa qaraxii ugu xooganaa ee abid Muqdisho ka dhacdo, waxaana qaraxan uu dad badan soo xasuusiyay qaraxii ka dhacay hargaha iyo Saamaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com