Xog: Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalka Guriceel iyo halka caawa la kala joogo

Guriceel (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkii qararaa ee maanta illaa caawa soo gaaray ee ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-Sunna, ugu yaraan 30-qof oo u badan dhinacyada dagaalamaya ayaa ku dhintay dagaalka, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Saraakiisha noo warantay waxay sheegeen in markii laga soo tago dhimashadaas gaareysa sodomeeyada, ay sidoo kale dhaawacyadu kor u dhaafayaan 40 kale, labada dhinacba.

Dadka ku dhintay dagaalka iyo kuwa ku dhaawacmay waxaa ku jira saraakiil sar sare oo kala hoggaamineysay ciidamada labada dhinac, waxaana la xaqiijiyey geerida Taliyihii Kumaandooska Danab Gaashaanle Cabdiladiif Feyfle, Taliyihii ay Ahlu-Sunna u magacaawday saldhigga Guriceel iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa jira warar isi-soo taraya oo sheegaya in dagaalka ay dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaareen qaar ka mid ah saraakiishii hoggaamineysay ciidamada Gor Gor iyo Haramcad ee maanta dagaalka kula wareegay inta badan goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay dagaal qaraar oo qaab rogaal celis ah ay ciidamada Ahlu-Sunna galabta ugu soo qaadeen goobihii laga qabsaday maanta, sidoo kale gaari HILUX nooca aysan xabadu karin ah oo uu lahaa Taliyaha qeybta 21-aad Jeneraal Mascuud ayaa gacanta u galay Ahlu-Sunna.

Dagaalka oo socday in ka badan 12 saacadood ayaa caawa iskiis u istaagay, waxayna wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno goobaha ay kala joogaan ciidamada labada dhinac ee Ahlu-Sunna iyo dowladda sheegayaan.

1 – In Ciidamada dowladda ay ku suganyihiin saldhiga booliska, xarunta degmada, dhismaha Beder 1 iyo xaafadaha xiga dhinaca koofureed ee magaalada.

2 – Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa iyaguna ku sugan xaafadaha dhaca dhinaca waqooyi ee magaalada, sida Tuullo Gaban, Ceel Abshir, Ceel Cali Faarax ilaa halka loo yaqaano Jaamacadda oo ah goob istaraatiiji ah dhanka waqooyi bari uga taalla degmada Guriceel.

Wararkii ugu dambeeyey waxay intaas ku darayaan in labada dhinacba ay soo gaarayaan gurmadyo uga kala imaanaya meelo kala duwan, waxaana aad loo saadaalinayaa in berri aysan xaaladda Guriceel dagaal huri doonin.

Magaaladu waa cidlo oo waxaa faarujiyey dhamaan dadkii shacabka ahaa, waxaana maanta madaafiicdii la is weydaarsanayey ku gobtay gobo ganacsi iyo xarumo caafimaad, waxaana ka mid ah goobha gubtay Isbitaalka Istarliin oo ah isbitaalka guud ee degmada.