Fiqi oo shaaciyey in arrin uu sameeyey Odowaa ay sabab u aheyd in la dilo taliye Fayfle

Guriceel (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo war ka soo saaray geerida Taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug Cabdiladiif Axmed Feyfle ayaa shaaciyey arrin dhex-martay marxuumka iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf uu Sarkaalkaas ugu hanjabay in gabi ahaanba ciidanka laga saarayo, hadii uusan hoggaamin dagaalka.

“Waa ka xumahay warka la ii sheegay ee ah in Taliye Odowaa uu amar dul dhigay Taliye Fayfle ah in uu kala doorto in ciidamada laga saaro ama uu dagaalka galo, waa ayaan darro weyn dagaalka hadda socda oo lagu laynayo saraakiishii waxgalka ahayd,” ayuu yiri Fiqi.

“Taliye Fayfle waxaan ku wada jirnay dagaalkii labada bilood qaatay ee koofurta Mudug lagula jiray kooxda argagixisada ah, wuxuuna ahaa nin geesi ah, dulqaad badan isla markaana mabda’ ay ka ahayd la dagaalanka argagixisada,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fiqi.

Qoraalkiisa ayuu ku soo gabagabeeyey, “Waxaa muuqata in raggii Shabaab la diriray meesha laga saarayo, caawana Shabaab ay u dabaaldagayaan geerida taliyaha. Ciidamada Danab, ehelkiisii iyo qaraabada waxaan idin leeyahay sabir iyo iimaan!”

Allaha u naxariistee Feyfle waxa uu ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay ciidamadii Ahlu-Sunna ee Al-Shabaab ka xoreeyey gobollada dhexe, sanadihii 2008-dii illaa 2012-kii, sanadkii 2013-kii ayuu ka mid noqday askartii lagu bilaabay aas-aaska ciidanka Danab ee Mareykanku tababaray.

Bilowgii sanadkaan ayaa loo bedelay oo hoggaan looga dhigay ciidanka Danab qeybtiisa ka howlgasha deegaanada Galmudug, waxaana xilka loo dhiibay uga horeeyey Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan oo ka mid ahaa saraakiishii lagu dilay qaraxii ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, bishii December 2020-kii.