Xog: Kheyre oo kusii jeeda Garoowe iyo PUNTLAND oo ka dooneysa laba arrin

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa la filayaa inuu dhowaan booqasho ku tago magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, haddii wad-hadallo socda la isku raaco, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Xubno ku dhow madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas, ayaa Caasimada Online u sheegay in Gaas uu qorsheynayo inuu Kheyre ku casumoo xafladda sanad-guuradii labaad ee markii la aas-aasay maamulka Puntland, oo ku beegan kowda bisha August.

Wararka ayaa sheegayaa in wada-hadallo ay iminka u socdaan xafiiska Kheyre iyo kan Gaas, oo looga hadlayo arritan.

Sida warku sheegayo, Puntland ayaa dooneysa in inta Kheyre uusan iman Garoowe laga wada-hadlo arrimo ay dooneyso in heshiis laga gaaro, iyo heshiisyo horey labada dhinac ay u gaareen oo aan weli qaarkood la fulin.

Maamulka Puntland ayaa xoogga saaraya arrimaha shidaalka, oo ay doonayaan inay ka galaan heshiisyo ka madax banaan dowladda iyo xiisadda Tukaraq ee kala dhaxeysa Somaliland.

Puntland ayaa dooneysa in Kheyre uu ka hadlo dagaalka Tukaraq, islamarkaana taageero buuxda u muujiyo maamulka Puntland, oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Kheyre ayaan weli wax hadal ah ka oran dagaalka Puntland iyo Somaliland, waxayna Puntland dareemeysaa inuu muujinayo dhex-dhexaadnimo, taasi oo ay u aragto mid aan sax ahayn.

Haddii dhammaan qodobada Puntland ay dooneyso in la isku raaco, inkasta oo aysan caddeyn in Kheyre wada-aqbalayo, waxaa dhici doona booqashada Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com