Xog: Khilaaf ka taagan cidda saxiixeysa xildhibaannada Habarceyno ee Galmudug

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku shareertay xiisadda ka taagan cidda leh saxiixa xildhibaanada Galmudug ee Beesha Habarceyno – Murusade iyadoo Ugaaska Beesha Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade uu laba mar oo kala duwan soo saaray waraaqo is khilaafayo.

02/11/2014, waxa Nabadoonka Beesha Habarceyno loo doortay Nabadoon Cusmaan Caraale Jayte kadib xaflad heer sare ah oo lagu qabtay Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Nabadoon Cusmaan Caraale Jayte

30-11/2019 Ugaaska Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa waraaq rasmi ah ku soo saaray in Nabadoonka Guud ee Habarceyno Nabadoon Cusmaan Caraale Jayte uu yahay saxiixaha saxda ah ee Xildhibaanada Habarceyno ku matalayo Xildhibaanada Galmudug sida aad ka arki karto waraaqdaan hoose oo uu isaga saxiixay Una gudbiyey Ra’isulwasaare Kheyre, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Farsamada Maamul dhisida Galmudug.

Sidoo kale Ugaas Faracade ayaa markii uu gudbinayey Liiska Odayaasha leh saxiixa Xildhibaanada Guud ee Beesha Mursuade ku sheegay in Nabadoon Caraale uu yahay Nabadoonka leh saxiixa Xildhibaanada Habarceyno sida ku cad waraaqdaan hoose.

Wixii markaas ka dambeeyey, Nabadoon Caraale ayaa billaabay la tashiyo ku aadan soo xulista xildhibaanada Habarceyno ku matalayo Galmudug, balse waxaa arrintaas soo faragelisay Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Ganacsato kasoo jeedo Habarceyno ayaa faragelin toos ah ku sameeyey go’aanka uu qaatay Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, waxaana dhacay kulamo dhawr ah.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade

Xildhibanadaas iyo siyaasiyiintaas oo awood fiican ku leh Dowladda Soomaaliya ayaa Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade si cad ugu sheegay inuu booska Nabadoon Cusmaan Caraale Jayte ku badalo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo Beesha Murusade ku matalo Odayaasha Dhaqanka Hawiye.

Khilaaf iyo dood badan oo taagneyd asbuucyadii lasoo dhaafay kadib Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Habarceyno ayaa la rumeysan yahay inay dhaqaale siiyeen Ugaas Faracade, wuxuuna soo saaray waraaq kale oo uu ku sheegayo inuu ka laabtay go’aankii uu Nabadoon Cusmaan Caraale Jayte ku siiyey saxiixa Xildhibaanada Habarceyno.

Xildhibaanada iyo Ugaas Faracade ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha u gudbiyey waraaqda cusub ee lagu magacaabay Nabadoon Xaad, waxaana arrintaas ka hor imaaday nabadoonada iyo Odayaasha Habarceyno qaarkooda oo ku doodaya in Nabadoon Caraale uu yahay Nabadoonka leh saxiixa Xildhibaanada Habarceyno ee Galmudug.

Ma cadda haddii ay  Dowladda Soomaaliya wax lug ah ku leedahay go’aanada uu qaatay Ugaas Faracade, waxaase huban inay wada shaqeyn kala dhaxeyso Xildhibaanada Habarceyno kuwaas oo doonayo inay soo saaraan Xildhibaano iyaga taageersan.

Ugu dambeyntii Illo wareedyo rasmi ah ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inuu Nabadoon Caraale ka hor imaaday go’aanka Ugaas Faracade, wuxuuna hadda ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug halkaas oo uu ka wado soo xulista Xildhibaanada Habarceyno.