28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Khilaaf mar kale ka dhex curtay DF iyo hay’adaha QM (Maxaa la isku hayaa?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxaaya murano xoogan oo ka dhex aloosan DFS iyo Hay’adda QM u qaabilsan Duulista Hawada ee (ICAO).

Muranka labada dhinac ayaa la sheegay inuu salka ku hayo wareejinta maamulka hawada Somalia oo wali ay ku dhagan tahay QM.

DFS ayaa gudaha Seddexdii bil ee lasoo dhaafay 4 dhambaal u dirtay Hay’adda QM u qaabilsan Duulista Hawada si loogu soo wareejiyo maamulka Hawada.

DFS ayaa ICAO ku eedeyneysa daacad darro dhanka maamulka waxa ayna ku celcelisay inay u baahan tahay in hawada maamulkeeda dib loogu soo celsho.

Muranka ugu badan ee labada dhinac ayaa soo daahiray kadib markii DFS ay kawar heshay in QM ay dooneyso in maamulka Hawada Somalia si hoose ugu wareejiso dowladaha deriska la ah Somalia, taa oo sarakicisay muranka jira.

Curashada Muranka ayaa waxaa qeyb ka ah kadib markii maamulka Xafiiska ICAO ee Nairobi ay diideen in ay Soomaaliya ka caawiyaan xoojinta duulista hawada ee Soomaliya.

Taas bedelkeeda waxa ay dhinac marayaan heshiisyadii horay loo gaaray oo ku aaddanaa in Muqdisho laga hirgeliyo xarun duulista hawada oo shaqaynaysa oo laga maamulo hawada Soomaaliya.

Dowlada Federaalka ah ee Somalia oo ka duuleysa dhibta ay kala kulmeyso Hay’adda QM u qaabilsan Duulista Hawada ee (ICAO), ayaa diiday inay dib u celiso 3 Kunteenar oo ay ku jiraan qalab qiimihiisa lagu sheegay malaayiin dollar oo lagu soo khalday maadaama Somalia loogu talo galay ayna ahayd in lagu isticmaalo dalka gudihiisa.

Warar hoose ayaa sheegaya in qalabkaas uu ku filan yahay in ay Muqdisho noqoto xarun qalabkeedu u dhan yahay oo ay si hufan ugu maamuli karto hawada dalka.

Qalabkaani ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in la geeyo magaalada Nairobi, waxaana dhacday in laga soo dajiyo Muqdisho khalad dhacay aawgii.

Maamulka ICAO ayaa DFS ka dalbaday in qalabkaasi dib loogu soo celsho, waxaana arrintaasi diiday DFS.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa iminka xun xiriirka DFS iyo Hay’adda QM u qaabilsan Duulista Hawada kaa oo salka ku haya wareejinta Hawada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News