Xog: Khilaaf iyo mooshin ka dhex taagan C/Weli Gaas iyo Cameey

Garowe (Caasimada Online) – Wararka xogaha ah ee aan ka heleyno magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya inuu soo ifbaxayo khilaaf u dhaxeeyo madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cameey.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu ka carooday latashi la’aan uu ku eedeynayo madaxweynaha Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas, kaasi oo ku aadan inuu latashi la’aan qeybiyay xubnaha 11-ka ee xildhibaanada aqalka sare u matalaya Puntland.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegay in eedeynta madaxweyne ku xigeenka Puntland ee uu u hayo Cabdi Welli Gaas iney qasabtay in la diyaariyo mooshin ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo isaga xilka looga qaadayo.

Xildhibaano badan oo taageersan madaxweyne Gaas ayaa wadda abaabulka ugu weyn ee golaha baarlamaanka lagu horgeynayo mooshinka ka dhanka ah C/xakiin Xaaji Cameey.

Xildhibaanada Puntland ayaa dhawaan loo furay kalfadhigoodii 37, waxaana daahfuray madaxweyne C/Welli Gaas, waxaana muuqata in dhankiisa Mr Cameey uu dadaal ugu jiro sidii uu baarlamaanka kaga dhaadhicin lahaa latashi la’aanta madaxweyne Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com