Xog: Gaas oo qeybiyay xubnaha Puntland ee aqalka sare ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe, ayaa sheegaya in guux Siyaasadeed uu ka dhex taagan yahay aqalka looga arrimiyo maamulka Puntland iyo guud ahaan magaalada Garoowe.

Guuxaani ayaa yimid kadib markii la sheegay in Madaxweynaha maamulkaasi uu si qarsoodi ah u qeybiyay xubnaha 11-ka aqalka sare ee Puntland ka heshay Baarlamaanka.

Xubnaha uu qeybiyay C/wali Gaas ayaa waxaa ka dhexmuuqan beelaha qaar, sida aan xogtu ku helnay waxaana jira in Odayaasha qaar ay buuq ka keeneen xubnaha la qeybiyay.

Odayaasha qaar ayaa la sheegay in C/wali Gaas ay u sheegen inaanu ku qanci doonin qaabka uu xubnahaasi u qeybiyay, halka qaarkoodna ay ku eedeeyen inaan lagala tashan qaabka loo qeybiyay.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas xulista xubnahaasi xitaa uusan kala tashan madaxda ugu sareysa maamulka.

Sidoo kale, Gaas ayaa ka caga jiidaaya inuu la kulmo Odayaasha, balse wararku waxa ay sheegayaan inuu qorsheeynaayo in kulan guud uu Odayaasha la qaato si uu uga dhaadhiciyo xubnaha 11-ka ee sida hoose loo qeybiyay.

Lama sheegin goorta uu Beelaha qaar ka raali galin doono xubinimada ay ku qadeen, waxa uuna Gaas xooga saaray tirro beelo ah, sida aan xogta ku heleyno.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com